
Saraakiisha Dowladda oo sheegay lix nin oo Shabaab ah inay ku dileen Gobolka Hiiraan
Waxa uu sheegay ciidamada inay heleen xogo la xiriira rag ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deeganada Buur weyn iyo deegaano kale oo hoostagga Degmada Buulo burde, waxaana uu intaasi hadalkiisa ku daray ciidamada inay ku dhaqaaqeen deeganadaasi, kadibna ay dileen lix nin oo Shabaab ka tirsanaa.
"Ciidamada oo helay xog ah in tiro Al-Shabaab ay ku dhuumaaleysanayaan deegaanno hoosta taga Degmada ay ku duuleen, waxa ay halkaasi ku dileen lix ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay tuulada buur weyn iyo deegaanno kale.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Buulo burde.
Majirto ilo ka madaxbanaan Maamulka Degmada Buulo burde oo xaqiijinaya ciidamada Dowladda inay dileen lix ka mid ah ciidamada Ururka Shabaab oo ku dhuumanaayay deegaano hoostagga Degmada Buulo burde.
Howlgalka raggaan la sheegay in lagu dilay ayaa dhacay shalay galab, inkastoo Shabaab aysan dhankooda wax war ah ka soo saarin arintaasi.
Ciidamada Shabaab ayaa ku sugan meel aanan ka fogeyn Degmada Buulo burde, oo magaaladaasi waxa ay ku hayaan go’doon adag oo nolosha dadka ku nool Magaalada dhibaato ku ah.
xigasho:- dhacdo.com


0 



Saraakiisha Dowladda oo sheegay lix nin oo Shabaab ah inay ku dileen Gobolka Hiiraan
Saraakiisha Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya inay dileen Askar ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano hoostagga Degmada Buulo burde.