Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959kii-2012 "Qeybta 1aad" …AKHRISO

0
Friday October 28, 2016 - 21:29:07 in Maqaallo by
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959kii-2012 "Qeybta 1aad" …AKHRISO

    Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiin bilaabi doonaa baahinta qoraalka Taxanaha Taariikhda doorashooyinka Soomaaliya laga soo bilaabo 1959kii – 2012 kaasi oo hada laga sii daayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Radio Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiin bilaabi doonaa baahinta qoraalka Taxanaha Taariikhda doorashooyinka Soomaaliya laga soo bilaabo 1959kii – 2012 kaasi oo hada laga sii daayo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) iyo Radio Muqdisho.
Taxanaha Shuruucda Doorashooyinka Golayaasha Sharcidejinta iyo Madaxweynayaalka ay Jamhuuriyadda Soomaaliya soo yeelatay taniyo 1959 – 2012
  1. Koofurta Soomaaliya – Maamulkii Wasiyadda/Dardaarankii Qaruumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS)

Doorashada Golaha Sharcidejinta Bishii Maarso 8-da 1959 (Assemblea Legislativa – Legislative Assembly)8-da Maarso, 1959 waxaa doorashooyinkii xubnaha Golaha Sharcidejinta loo qabtay dalka Soomaaliyeed ee markaas lagu maamulayey Wasiyadda/Dardaarankii Qarumaha Midoobay u igmatay Dawladda Taliyaaniga, maamulkaas oo loo yiqiin "Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS). Doorashooyinka waxaa lagu maamulay Sharciga Doorashooyinkaa Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, Laguna faafiyey Faafinta Rasmiga ee Soomaaliya (Bollettino ufficiale della Somalia) lasoo saaray 12 Diseember 1958.

Arrimaha ugu muhiimsan oo uu xeeriyey sharciga Doorashooyinka Lam. 26 ee 12ka Diseembar 1958, waxaa ka mid ah:

  1. In 90 xildhibaan ee xubnaha Golaha Sharcidejinta lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ee loo yaqaano universal suffrage, waxaana lagu meelmariyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntu waxay ahayd mid xor ah, toos ah oo qarsoodi ah (Qodobka 1-aad).

  2. Dhammaan muwaadiniinta Soomaliya, oo rag iyo haweenba leh, oo sanadka codeynta la qabanayo ay da’doodu gaartay 18 jir waxay xaq u leeyihiin inay codeeyaan, waxaase shardi ahaa in miyirkoodu u dhan yahay, oo xukun maxkamadeed ku dhacay awgeed aan xabsi ugu jirin ama laga mamnuucin ka shaqaynta xafiisyada dawladda "interdizione” – (Qodobka 9-aad).

  3. Muwaadiniinta buuxiyey shuruudaha codbixiyenimada kor ku xusan, oo sanadka doorashada la qabanayo da’dooda gaartay 25 jir, kartina u leh wax-akhrinta iyo qorista luqadaha Carabiga iyo/ama taliyaaniga, waxay xaq u leeyihiin in loo dooran karo xildhibaannimada Golaha Sharcidejinta, aan ka ahayn oo ka reeban xubnaha Laanta Garsoorka, xubnaha Ciidammada Qalabka Sida, Ciidammo-u-yaalka (Para-Militare), Guddoomiyeyaasha Gobollada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo ku-xigeennadooda (Qodobbada 11-aad iyo 12-aad).

  4. Habka lagu soo doortay xildhibaanada wuxuu ahaa nidaamka codadka ansaxa noqday oo loo qaybiyo tirada kuraasta loo qoondeeyey degaandoorashada degmada iyo tirada ugu sareysa (ugu badan) ee soo harta oo lasii qaybiyo (system of proportional representation – on the basis of the quotient and the highest remainder) – (Qodobka 3-aad.

Natiijada Doorashada waxay noqotay:

Gobollada Koofurta Dalka Soomaaliya (AFIS) – Doorashadii xubnaha Golaha Sharcidejinta ee la qabtay 8-dii Maarso 1959-

Wadarta Codadka Ansaxay: 313,760

Waxayna axsaabta ugu kala guuleysteen sidan:

Magaca Xisbiga

Tirada Codadka uu helay

Oo u dhigan Boqolkiiba

%

Tirada kuraasta uu helay (90)

Xisbiga Somali Youth League (SYL)

237,134

75.58%

83

Xisbiga Somali Independent Constitutional Party (HDMS)

40,857

13.02%

5

Xisbiga Liberal Somali Youth Party (PLGS)

35,769

11.40%

2

Fiiro Gaar ah: (a) Waxaa ka qaybgalka doorashooyinka qaadacay axsaabta siyaasadeed ee kala ah Xisbiga Greater Somali League (GSL) iyo xisbiga the Somali Independent Constitutional Party (HDMS). (b) Golaha wuxuu GuddoomiyBaarlamaanka u doortay M.ne Aadan Cabdulle Cusmaan

  1. Woqooyiya Soomaaliya – "British Somaliland Protectorate”

Doorashada Golaha Sharcidejinta Dalka Soomaaliyed ee ku jiray Maxmiyadda Britishka – 17 Febraayo 1960

(the Legislative Council of the British Somaliland Protectorate).

Doorashooyinka xildhibaanada Golaha Sharcidejinta waxa lagu maamulay Sharciga doorashooyinka Lam. 9 ee 1958 iyo wax-ka-beddelkii Goluhu ku sameeyey sharciga doorashooyinka Lam. 8 ee 1959).

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka waxaa ka mid ahaa:

Nidaamka Doorashada: Soddon iyo saddaxda (33) xubnood ee Golaha Sharcidejinta waxaa lagu soo doortay nidaamka doorashooyinka oo raga keliya xaq u leeyihiin cod-dhiibashada oo haweenku ka reeban yihiin. Waxaa wax dooran karay oo keliya dadka ku jira maxmiyadda Britishka ama ah muwaaddin haysta jinsiyadda Britishka, oo 21-jir ah ama ka da’ weyn, kana mid ah dadka caadi ahaan u deggan degaandoorashooyinka. Dadka sidaa ku sifooba oo keliya ayaa loo diiwaangelin karay in ay noqdaan codbixiyeyaal – Qodobka 10-aad. Qof kasta oo galay gaboodfallo dambi ah oo la xiriira doorashooyinka, ama lagu xukumay dil ama xabsi, ama dhimirkiisu wax u dhiman yahay, xaq uma laha in loo diiwaangeliyo codbixyenimada doorashooyinka – (Qodobka 11-aad).

  1. Shuruudaha Musharixiinta Golaha: Sida ku xusan Qodobka 18-aad ee sharcigan, Xubinnimada Golaha waxaa u tartami karay qofkii leh dakhli bileed aan ka yarayn Shs. 300 (saddaxboqol Shilin Soomaali), ama waa inuu yahay milkiile qof ahaan u leh 10 (toban) neef geel ah, ama 10 (toban) neef lo’ ah ama 100 (boqol) neef ido ah ama ari oo aan cid kale la wadaagin. Waxaa intaa dheer oo shardi ahaa in qofka laga soo dooranaya degmooyinka heerka ‘A’ – waxaa laga soo dooran kara keliya qofkii karti u leh qorista, akhrinta iyo ku hadlidda luqadaha Ingiriisiga iyo ama Carbiga.

  2. Si waafaqsan Qodobka 19-aad ee sharcigan qofkii looga reebay in aan loo dooran karin jagooyinka laysu doorto, ama looga reebay xubinnimada Golaha Sharcidejinta ama sideedaba ka reeban in jago loo doorto, gaboodfallo la xiriira nidaam kastoo doorashooyinka ku saabsan awgeed ama la xiriira gaboodfal uu u geystay habsami u socodka doorashooyinka Golaha Sharcidejinta xaq uma laha in loo doorto xubinnimada Golaha Sharcidejinta.

Natiijada Doorashada: Soddon iyo saddaxda (33) kursi Axzaabta Siyaasadeed ee u tartamayay waxay u kala heleen sida soo socota:

Waqooyiga Dalka Soomaaliya Doorashadii Xubnaha Golaha Sharci-dejinta ee la qabtay 17-kii Febraayo 1960 (British Somaliland Legislative Council)

Wadarta Codadka Ansaxay: 81,366

Waxayna axsaabta ugu kala guuleysteen sidan:

Magaca Xisbiga

Tirada Codadka uu helay

U dhigan Boqolkiiba %

Tirada Kuraasta (33)

Xisbiga Somali National League (SNL)

42,395

52.10%

20

Xisbiga United Somali Party (USP)

13,350

16.41%

12

Xisbiga National United Front (NUF)

20,249

24.89%

1

Xisbiga Somali Youth League (SYL)

4,626

5.69%

Isugeynta codadka axsaabta kale heleen

746

0.92%

 

in MAQAALLO, WARARKA, XULASHADA


La soco Qeybta 2aad Sabtida Insha Allah

XIGASHO:-radiomuqdisho.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip