Daahir Amiin "Ajaanibtii Shabaabka waa carareen, kuwa Magaalada ku dhuumanaya in la sheego ayaa la rabaa"

0
Monday November 02, 2015 - 10:14:09 in Wararka by
  • Visits: 768
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daahir Amiin "Ajaanibtii Shabaabka waa carareen, kuwa Magaalada ku dhuumanaya in la sheego ayaa la rabaa"

    Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Baarlamanka Somaliya, ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga amniga iyo Federalka Baarlamaanka u qaabilsan, ayaa sheegay Shabaab inay la mid yihiin xidig sii dhacaaya, islamarkaana Ajaanibtii la shaqeynaysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka tirsan Baarlamanka Somaliya, ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga amniga iyo Federalka Baarlamaanka u qaabilsan, ayaa sheegay Shabaab inay la mid yihiin xidig sii dhacaaya, islamarkaana Ajaanibtii la shaqeynaysay ay carareen oo duurka ay galeen. Wuxuu sheegay Shabaabka waqtigooda in uu dhamaaday kuwa Ajaanibta ah ee la shaqeysana ciidamada ammaanka Somaliya iyo kuwa Amisom ay sii eryanayaan iyaga oo galay dhulka duurka ah ee Keymaha sida uu yiri.

Iyadoo ay taasi jirto ayuu Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, sheegay inay muhiim tahay kuwa Somalida ah ee Shabaabka ka tirsan ee Magaalada gudaheeda ku dhuumaaleysanaya in la soo sheego si ciidamada ammaanka Somaliya ay gacanta ugu dhigaan.

"Shabaab waa xidig sii dhacaayo walaal, xidig sii dhacaayo hadii ay kaa dilaan dadkaaga qaaliga, sida Dhaga badan oo kale iyo Xildhibaan Abtidoon oo kale, intaas ayaa Khasaare kuugu filan, ciidamada ammaanka halala shaqeeyo oo ha la isku kalsoonaado, waxaan la dagaalamayno waa cadoow midabkeena leh, Ajaanibtii waa carareen oo waxa ay galeen dhulka baadiyaha ah ciidamadeena lugta ayaa sii bursanaayo.” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Waxa uu intaasi ku daray Xildhibaanka, Wasaarada Amniga Gudaha inay kala xisaabtamayaan hadii uu jiro gaabis dhanka ammaanka ah, balse waxa uu ammaanay sida ciidamada ay ugu gurmadeen Bulshadii Hoteelka ku xanibneyd.

Weerarkii Hotel Saxafi Shabaab ay ku qaadeen shalay, ayaa ciidamada Gaashaan ee Nabad Suggida ka tirsan, waxa ay gurmad wanaagsan u fidiyeen Bulshadii Hotelka ku jirtay oo daaqadaha ay ka soo saareen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip