New Zealand oo suurtagal ay tahay in sharci siiso gabadhii Somaliyeed ee laga celiyay dalka Australia

0
Monday November 02, 2015 - 09:46:34 in Wararka by
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    New Zealand oo suurtagal ay tahay in sharci siiso gabadhii Somaliyeed ee laga celiyay dalka Australia

    Dowladda New Zealand, ayaa waxaa suurtagal tahay inay sharci siiso gabadhii Somaliyeed ee laga celiyay dalka Australia, xilli lagu kufsaday Jazeerada Nauru, markii Australia ay sheegtay in gabadhaasi ay diiday in ilmaha laga soo tuuro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda New Zealand, ayaa waxaa suurtagal tahay inay sharci siiso gabadhii Somaliyeed ee laga celiyay dalka Australia, xilli lagu kufsaday Jazeerada Nauru, markii Australia ay sheegtay in gabadhaasi ay diiday in ilmaha laga soo tuuro. Laba maalmood ka hor, ayaa waxaa gabadhaasi oo loo yaqaano Abyan dib loogu soo celiyay dalka Australia, markii dhakhaatiir Abyan kula kulantay Nauru ay ka dhaadhiciyeen in ilmaha laga soo tuuro.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha, ayaa waxay Australia ka dalbanayaan inaanay Abyan dib ugu celin Jazeerada Nauru, maadaama markii horeba fal kufsi ihi loogu gaystay, suurtagalna ay tahay in aanay ku badbaadin.


Wargeyska Undercoverin, ayaa waxa uu qoray in Xukuumadda Wellington ay macquul tahay inay sharci deganaansho ihi siiso Abyan, iyadoo ka jawaabayso baaqa ka soo yeeraaya hay’adaha xuquuqul Insaanka, ee la xiriira inaanan dib loogu celin Jazeerada Nauru.

Haddii New Zealand ay ka daahdo inay magangelyo u fidiso Abyan, ayaa waxaa dhici karta in mid ka mid ah Wadamada Qaaradda Yurub uu soo dhaweeyo gabadhaasi Somaliyeed, sida uu qoray Wargeyska Undercoverin.

Australia waxay weli ka cago jiideysaa inay magangelyo u fidiso Abyan, iyadoona uu qorshaheedu u muuqdo in dib ugu celiso Nauru, marka daryeelka caafimaad loogu sameeyo Magaalada Sydney.

Abyan1

"Australia waa inaanay Abyan ku celin Nauru. Waa waajib inaanan waqti lagu lumin hal maalin, hal saac amaba hal daqiiqo.” Ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay Hay’adda Amnesty International.

Abyan oo hadda leh uur 15 isbuuc ah, ayaa waxaa la kufsaday 18-kii bishii July, ka dib markii laba nin oo u dhashay Jazeerada Nauru, ay ka qabsadeen meel aan ka fogayn xeradii ay ku noolleyd.

Afhayeen u hadlay guddiga xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobe oo lagu magacaabo Rupert Colville, ayaa wuxuu Australia iyo Nauru ugu baaqay inay go’aan ka gaaraan arrinta Abyan, si ay u hesho daryeelka maskaxda iyo midka jir ahaaneydba, ay u baahan tahay.

"Waxaan ugu yeereynaa Australia iyo Nauru inay qaataan go’aan deg deg ah oo hufan oo ku saabsan Abyan, si ay u hesho daryeelka maskaxda iyo jirka mid ku filan iyo inay joojiso uurka ay lee dahay, haddii ay rabto.” Ayuu yiri Rupert Colville.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip