Cali Dheere oo ku hanjabay inaanay Hoteelada Muqdisho ku nabadgeli doonin Masuuliyiinta Dowladda

0
Monday November 02, 2015 - 09:21:44 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Dheere oo ku hanjabay inaanay Hoteelada Muqdisho ku nabadgeli doonin Masuuliyiinta Dowladda

    Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ka hadlay weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee Axadii ku qaadeen Dhismaha Xarunta Hotel Saxafi, oo ku yaala agagaaraha Isgoyska KM4 Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ka hadlay weerarkii uu dhiigga badani ku daatay, ee Axadii ku qaadeen Dhismaha Xarunta Hotel Saxafi, oo ku yaala agagaaraha Isgoyska KM4 Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi la qaaday xilli goor hore oo aroor ah, ujeedada loo qaadayna ay ahayd qidad dagaal, isla-markaana uu yoolkoodu ahaa in la yareeyo khasaaraha ka soo gaari kara shacabka. Wuxuu sheegay in waqtiyo kale la qaadi karay weerarkaasi, balse ay taasi uga baaqdeen shacabka oo ku badan xilliyadaasi. Afhayeenka, ayaa waxa uu tilmaamay in Saxafi Hotel uu gabaad u ahaa Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda, kuwaa oo u haystay sida uu sheegay inay ku badbaadi doonaan, markii ay arkayn in la weeraraayo Hoteelada kale iyo Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, sida uu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu sheegay weerarkaasi in uu ku bilowday weerar ismiidaamin ah, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, laguna jebiyay albaabka hore ee Hotelka, ka dibna ay gudaha u galeen dagaal-yahano Al Shabaab ka tirsan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaal-yahanada Shabaabku ay galeen qololka Hotelka, ayna mid mid ugu dileen waxa uu ugu yeeray murtadiinta, isla-markaana ay gaarsiiyeen sida uu yiri khasaaro aad u fara-badan. Dadka la dilay wuxuu sheegay inay ku jiraan Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidamada Dowladda ka tirsan.

Dhanka kale wuxuu Cali Dheere carabka ku dhuftay inaysan doonayn waxyeelo inay u gaystaan shacabka, wuxuuse markale uu ugu baaqay inay isaga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Masuuliyiinta Dowladda.

Cali Dheere, ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan meel kasta oo ay degan yihiin, kana cunteeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya iyo Saraakiisha Ciidamada, isagoonka yiri waa bartilmaamed.

Cali Dheere waxa uu xusay in Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ay ku badbaadi karaan, iyagoo dib ugu soo laabta Diinta Islaamka, oo sida uu sheegay ay ka ridoobeen iyo inay joojiyaan xadgudubyada ka dhanka ah dalka.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip