NUSOJ oo cambaareysay laba Suxufi oo middi lagu dilay weerarkii Saxafi Hotel

0
Monday November 02, 2015 - 09:16:18 in Wararka by
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NUSOJ oo cambaareysay laba Suxufi oo middi lagu dilay weerarkii Saxafi Hotel

    Ururka Suxufiyiinta Qaranka Ee NUSOJ, ayaa waxa uu cambaareeyay weerarkii Saxafi Hotel oo uu ku dhintay Wariye Mustaf C/nuur Safaana, sidoo kalana uu ku dhaawacmay Wariye Faysal Cumar. Wariye Savaana, ayaa ahaa Cameraman ka tirsan Idaacada Shabell

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Ee NUSOJ, ayaa waxa uu cambaareeyay weerarkii Saxafi Hotel oo uu ku dhintay Wariye Mustaf C/nuur Safaana, sidoo kalana uu ku dhaawacmay Wariye Faysal Cumar. Wariye Savaana, ayaa ahaa Cameraman ka tirsan Idaacada Shabelle, sidoo kalana waxa uu sawirada uu u diri jiray Telefishinka Caalamiga ah Aljazeera, halka Faysal Cumar uu ahaa Sawirqaade ka tirsan Wakaaladda Wararka Reuters. Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa cambaareeyay weerarkaasi, isagoo dhanka kalana tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Wariye Savaana, oo noqonaayo Suxufigii saddexaad ee sanadkan lagu dilo Somaliya.

"Waxaan u baroordiiqaynaa weerarka cabsida badan aynu ku weynay Mustaf C/nuur Safaana.” Ayuu yiri Xoghayaha. Waxa kaloo uu yiri "Waxaan direynaa tacsi qoto dheer leh, anagoo qoysaska iyo asxaabtiisa kaga tacsiyadeynayno dhibka ku dhacay Wariyaha.”

Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa qoraal uu soo saaray waxa sidoo kale uu ku yiri "Waxaan jeclaan lahaa in si buuxdo oo deg deg ah uu Faysal Cumar ku soo kabto.”

Savaana

Savaana iyo Faysal

Suxufiyiintan, ayaa gaaray Hotel Saxafi subaxdii Axada, intii uu socday weerarkii ay ku qaadeen dabley ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab. Labada Suxufi waxay ku waxyeeloobeen qarax labaad oo gaari loo adeegsaday, oo ka dhacay bannaanka hore ee Hotelka.

Inta badan Suxufiyiinta Somalida oo aan haysan jaakadaha iyo koofiyadaha habka difaaca loo adeegsado, ayaa hadana waxay tagaan jiidaha hore, si ay u soo tebiyaan macluumaad sax ah.

Warbixin ay 9-kii bishii hore ee October soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta (CPJ), ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay noqotay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip