XAQA DERISKA { Qore:-Cabdiqadir Salaad Maxamad}

0
Wednesday October 19, 2016 - 11:57:43 in Maqaallo by
  • Visits: 5123
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 9 0
  • Share via Social Media

    XAQA DERISKA { Qore:-Cabdiqadir Salaad Maxamad}

    B} Deriskaagu waa kee? T) Waxa uu rasuulka Allah (SCW) ka yiri deriska. J) Noocyada deriska X) Dhibaatooyinka deriska loo geysto kh) Waxa wanaagsan in la sameeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

B} Deriskaagu waa kee? T) Waxa uu rasuulka Allah (SCW) ka yiri deriska. J) Noocyada deriska X) Dhibaatooyinka deriska loo geysto kh) Waxa wanaagsan in la sameeyo Deriskaagu waa Qoysaska hareerahaaga deggan oo mar walba xaaladdaada Caafimaad iyo tanDdhaqaale aad ka wa rqabto:
Dadku deris la'aan ma dhaqmi karo sababta oo ah waxa ay isaga baahan yihiin dabka, maacuunta iyo isu kaalmeynta markii ay dhibaato timaado.
Haddii aad sidaas u ogtahay xaqa uu kugu leeyahay deriskaagu ma dhowrtaaa mase waad ku tumataa?

 Waxa uu kugu leeyahay derisku qadarin gaar ah.

Waxa uu Rasuulka Alle (NNKH) yiri; "Jibriil siduu iigu adkeeyey markii uu igala dardaarmay in aan dhowro xaqa deriskayga, waxa aan u maleeyey

in ay i dhaxlayaan". Waxa aan ognahay dadka wax dhaxla in ay yihiin kuwa la dhalay, kuwa dhalay,kula dhashay ama xigtadaada ah. Sidoo kale
arrintaa is-dhaxlidda waxa ku soo dhawaaday deriskaaga.

 Rasuulkii Alle (SW) waxa loo sheegay maalin maalmaha ka mid ah in ay dhimatay Naag Salaadda, Soonka iyo Sekada ku dadaali jirtey laakiin Deriskeeda dhibi jirtay.

Waxa uu ku jawaabay in Naagtaas la cadaabayo mar haddii ay dhibi jirtay deriskeeda.
Ogow deriskaaga aaan kugu diinta ahayn waxa uu kugu leeyahay xaq derisnimo, kan kugu diinta ahna laba xaq, kan qaraabadaada ahna saddex
 XAQA AYEY DERISKA KUUGU LEEYIHIIN {DHIBAATOOYINKA DERISKA LOO GEYSTO WAY BADAN YIHIIN}
dhibaatooyinka deriska loo geystaa waa ay badan yihiin, waxaana ka mid ah
1-in qashinka hortooda lagu daadiyo

2-, in wakhtiga ay hurdaan raadiye codkiisu dheer yahay lagu daaro iyo

3 in ilmahooda la dilo.

    Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho xuquuqda deriska sida diinta  Islaamku farayso.
 Waa in wax la siiyaa marka ay baahan yihiin, la soo booqdaa marka ay jirran yihiin, la raacaa meydkooda marka ay dhintaan,
loo tahniyadeedyo marka ay guul gaaraan,
in  laga dheereeyo qashinka iyo wixii kale ee dhibaato ah oo dhan.
marka qof kasta oo deriskiisa djowr alle ayaa ka abaal marinaya kii dhibaateyo sidaas oo kale marka walaal noqo qof deriskiisa xaq uu leeyahay dhowr oo markstaa ka war qaba kiisa liita u gar-gaara alla hanaga dhigo kuwii xuquuqda dersikooda dhowra

Qore:-Cabdiqadir salad maxamad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip