Amiin Yuusuf Khasaaro Waxa uu Mudan Yahay in la Abaal Mariyo (Faalo Gaaban).

0
Monday October 10, 2016 - 18:49:45 in Maqaallo by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiin Yuusuf Khasaaro Waxa uu Mudan Yahay in la Abaal Mariyo (Faalo Gaaban).

    Waxaa wax lagu farxo ah in uu gebagebo marayo Shirka Maamul u samaynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelladda Dhexe si ay ula jaanqaadan Maamuladda Dhiggooda ah, Shirkaasu waxa uu soo maray maraaxil kala duwan waxaana hareeyey dib u dhacyo badan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa wax lagu farxo ah in uu gebagebo marayo Shirka Maamul u samaynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelladda Dhexe si ay ula jaanqaadan Maamuladda Dhiggooda ah, Shirkaasu waxa uu soo maray maraaxil kala duwan waxaana hareeyey dib u dhacyo badan oo ragaadiyey in shirkaasi hore u socdo, arinta eedeeda waxaa loo tiiriyey khilaafka dhinaca Qabaa'ilka deegaanka oo mid walbaahi sedbursi doonayey, markaan si kale u iraahdo mid walba waxa uu la xifaltamayey midka kale waxa uuna doonayey in aan qabiilka kale waxba dheeraysan haddiiba aanu ka badsan.

Inta khilaafkaasi socday waxaa Dowlada Federaalka ku socdey waqti oo waxay doonaysey iney mar uun soo af meerto shirka labada gobol si ay u soo af jarto maamul u samaynta Gobolada Dalka. markii khilaafku batay oo ay Hogaamiyaashii Qabaa’ilku ku heshiin waayeen Ergooyinka Qabiil walba yeelanayo waxaa khasab noqotay in ay shirka maamulkiisa la wareegaan Wasaaradda Arimaha Gudaha oo kaashanaysa Urur Goboleedka IGAD, waxaana taas u hogaansamey inta badan Qabaa’ilka Shirku khuseeyo.

Hore waxaa u jirey in Gudigii farsamada ee ku guulaystey Maamul u samaynta Gal-Mudug ay shaaciyeen iney Hanti ku bixinayaan cid alaale iyo ciddii keenta Magaca iyo Calanka uu qaadanayo maamulkaasi, si taas la mid ah waxay dad badani xusul duub u galeen sidii ay ku curin lahaayeen Magaca iyo Calanka uu yeelanyo Maamulka la filayo in uu ka soo baxo labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe maadama ay maamulkii la wareegtey Wasaaraddii Arimaha Gudaha.

amiin-yuusuf-khasaaro-1

Dadka Xusul duubkaas galay waxaa ka mid ahaa oo aan marqaati ka ahay Qoraa sare Amiin Yuusuf Khasaaro oo markiiba la soo boodey magaca uu iminka Maamulkaasi qaatey ee HIR-SHABEELE, Weriyaaal magac leh oo Goobjoog ahaa ayaa weydiiyey Qoraaga dhadhanka magaca uu bixiyey, waxa uuna yiri.

"waxaan ku soo koray Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan waxaan halkaas ku soo dhamaystay Waxbarashada Dugsiga Hoose/Dhexe, waxaanse Dugsiga sare ku soo qaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. inagoo reer Galgaduud ah ayaa waxaa xiriir la samaysaney dhalinyarada Gobolka Hiiraan oo aan deris ahayn, waxaan tegi jirney Magaalada Beledwayne inagoo casuumaad ka helayna dhalinta reer Hiiraan marmarka qaarna waxay imaan jiran Dhuusamareeb, markii danbe waxaan ku heshiiney in aan soo saarno joornaal ka hadla waxqabadka dhalinyarada labada Gobol, waxaa la isku soo qaaday magacii loo bixin lahaa Joornaalkaas aan ku heshiiney, Gebagebadii waxaan ku heshiiney in Joornaalka loo bixiyo HIR-GAL oo laga soo kala gaabiyey Magacyada Hiiraan iyo Galgaduud, sidaas si la mid ah Magaca labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaan u bixiyey HIR-SHABEELE, Sedaxda Xaraf ee hore waxay metelayaaan Hiiraan inta danbana Shabeelaha dhexe”.

Waxaa goobta Amiin Khasaaro magaca ku bixiyey joogey oo marqaati Maanta u ah Saxafiyiin dhowr ah, waxaana ka mid ah. Axmed Maxamuud Dhicisow, Maxamuud Yuusuf Culusow, Cabdulaahi Xasan Axmed (Shiiqaaloow), Barre Shiikh Cabdulaahi (Bangaladeesh), Cabdifataax Macalin Nuur (Qays), Cabdinasir Yuusuf Macalim, Xasan Maxamed Daahir (Halaanbeey) iyo Anigoo ah Cabdinaasir Xersi iidle. Guntii iyo Gebagebadii miyaanu Amiin Khasaaro mudnayn in la abaal mariyo maadaama uu ku guulaystey magac u bixinta Maamulka labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, inkastoo aan ku guuldaraysaney Naqshadda samaynta Calanka?.

W/D Cabdinaasir Xirsi Iidle

E-Mail naasirx1@gmail.com

Tel 00252615503978




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip