Deeq lacadeed oo soo dhiibtay Hey'adda Rory Peck Trust oo la guddoonsiiyay Wariye Mucaawiye

0
Monday August 31, 2015 - 10:39:16 in Wararka by
  • Visits: 891
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deeq lacadeed oo soo dhiibtay Hey'adda Rory Peck Trust oo la guddoonsiiyay Wariye Mucaawiye

    Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA) Xasan Cali Geesey ayaa maanta Xafiiskiisa kaalmo lacageed ku guddoonsiiyey Wariye Mucaawiye Axmed Muudeey, kaasoo bishii February 27-dii ku dhaawacmay Deegaanka Lambar Konton ee Gob

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA) Xasan Cali Geesey ayaa maanta Xafiiskiisa kaalmo lacageed ku guddoonsiiyey Wariye Mucaawiye Axmed Muudeey, kaasoo bishii February 27-dii ku dhaawacmay Deegaanka Lambar Konton ee Gobalka Sh/hoose. Mr Geesey oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay inay Hay’adda Caalamiga ee Rory Peck Trustee uu Fadhigeeda Dhexe ku yaallo magaalladda London ee dalka Britain u soo wakiisheen inuu Weriyaha dhawaacmay gaarsiiyo deeq lacageed oo dhan 1,360 Dollar, oo ay Hay’addu ugu talagashay inuu Weriyuhu ku maareeyo noloshiisa asaasiga.

Md. Geesey waxa uu tilmaamay inay Hay’adda Rory Peck Trust tahay Hay’ad Caalami oo taageero u fidsa Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee ku sugan dalalka Caalamka.


simha2Wariye Mucaawiye Axmed Muudeey oo ka hadlay Munaasabadda lagu guddoonsiiyey Lacagtaasi ayaa uga mahad celiyey Madaxda Dalladda SIMHA sida xilkasnimadda leh ee ay ugu ololeeyaan sidii ay Hay’addaha Calaamka u taageeri lahaayeen Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ay waxyeelladdu soo gaartay.

Waxa kaloo uu u mahadceliyey Madaxda Hay’adda Caalamiga ee Rory Peck Trust ee u soo dirtay Kaalmadaasi Lacageed, wuxuuna xusay inay haatan xaalladiisu soo hagaagtay.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA) dadaal u galaan sidii ay Hay’addaha Caalamiga taageero ugu fidin lahaayeen Suxufiyiinta ay waxyeelladu ka soo gaarto Xaalladdaha Khatarta ee ay ku hawl-galaan.

Waddanka Somalia waxa uu ka mid yahay dalalka sida xooggan loogu waxyeelleeyo Suxufiyiinta, iyadoo Kontameeyo uxufi lagu dilay dalka Somalia tan iyo sannadkii 1992-kii


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip