Daawo Sawirada: Kadib ka bixitaankii ciidanka Itoobiya Degmada Moqokori Shabaab oo maamulaya Degmadaasi

0
Wednesday September 21, 2016 - 12:39:27 in Wararka by
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Kadib ka bixitaankii ciidanka Itoobiya Degmada Moqokori Shabaab oo maamulaya Degmadaasi

    Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro ay ka soo qaadeen Degmada Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo Khamiistii aynu soo dhaafnay ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay sawiro ay ka soo qaadeen Degmada Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo Khamiistii aynu soo dhaafnay ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Ciidamo badan oo Shabaab ka tirsan ayaa gudaha u galay Degmadaasi Moqokori, kuwaasi oo si nabadgelyo ah Khamiistii kula wareegay.

Shabaab ayaa sawiro ay ka soo qaadeen Degmada Moqokori waxa ay muujinayeen ciidamadooda uu ku sii qul-qulaya Magaalada, kadib ka bixitaankii ciidamada Itoobiya.

Al Shabaab ayaa sidoo kale gubay Difaacyadii ay ku sugnaan jireen ciidamada Itoobiya ee ku yaalay duleedka Degmada Moqokori.

Xoogaga Shabaab ayaa Magaalada waxa ay sureen calanka Astaanta u ah Shabaabka ee ah calanka madow, taasi oo muujinaysa in Degmada Moqokori uu ka jiro Maamulka Ururka Al Shabaab.

Ilaa hada ma cadda sababtii ka dambeysay in ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Dowladda ay isaga baxaan Degmada Moqokori oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

moqokori moqokori-1 moqokori-2 moqokori-3 moqokori-4 moqokori-5 moqokori-6 moqokori-7 moqokori-8 moqokori-9 moqokori-10 moqokori-11 moqokori-12 moqokori-13 moqokori-14 moqokori-15 moqokori-16 moqokori-17 moqokori-18 moqokori-19 moqokori-20

xigasho:-dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip