Maxaa lagu xusuustaa Guddomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mr Muungaab ?

0
Saturday October 31, 2015 - 12:08:04 in Maqaallo by
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa lagu xusuustaa Guddomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Mr Muungaab ?

    S/Guuto. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) waxaa uu Madaxweynaha JFS u magacaabay xilka guddomiyaha G/Banaadir ahan Duqa Caasimadda Muqdisho 27 dii bishii Febaraayo, 2014. Xilkaasi siyaasadeed ka hor waxaa dadka soomaaliyeed ku xasuustaan in uu guddomi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

S/Guuto. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) waxaa uu Madaxweynaha JFS u magacaabay xilka guddomiyaha G/Banaadir ahan Duqa Caasimadda Muqdisho 27 dii bishii Febaraayo, 2014. Xilkaasi siyaasadeed ka hor waxaa dadka soomaaliyeed ku xasuustaan in uu guddomiye ka soo noqoday Maxkamadda Ciimanka Qalabka Sida ee Soomaaliya labadeeda Darajo ee (Koowaad iyo Labaad) halkaasoo soomaalida ku xasuusato isbadlakii uu ka sameeyay dhanka asluubta ciidanka Qalabka sida iyo cadaalad marsiinta dinbiilayaasha ku xadgudba nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed ee ka mid ahaa Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Magacaabistiisii xilka Guddomiyaha G/Banadir Ahna Duqa Muqdisho waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan wadanka gudahiisa iyo dbadiisa iyo sidoo kale siyaasiyiin caan ka ah wadanka soomaaliya iyadoo Munaasabado waawayn ay ka dhaceen wadanka gudahiisa iyo dibadiisa kuwaasoo lagu soo dhaweeynayay magacaabistiisa waxa ayna dadka soomaaliyeed aaminsanaayeen kartidiisa shaqsiyadeed iyo go’aanadiisi ku saleesnaa sharicga ee aan lahayn xigto iyo nin jeclaysi.

Dadka taxliiliya siyaasadda ayaa sheegayay xiligaasi in Guddomiye Muungaab ay horyaaleen caqabado dhoowr ah kuwaasoo u baahan qorshe iyo taageero xoogan uu ka helo Dowladda Dhaxe ee Soomaaliya. Caqabadahaan ayaa lagu soo koobay afar qodob oo kala ahaa:-

  1. Dib u hagaajinta Maamulka G/Banaadir gaar ahaan maamulada Degmooyinka xiligaas oo ay ka talinayeen maamulo u abaabulnaa hanaan ku salaysan Qabiil iyo awood hubeed oo u muuqatay hogaamiye kooxeednimo ama qabqable dagaal
  2. Wax ka qabashada amaanka magaalada Muqdisho oo ka mid ahayd sababaha uu madaxweyne Xasan sheikh u magacaabay Guddomiye Muungaab
  3. Suuragalinimada in si toos ah loo hees keeno Ciidanka Booliska iyo Nabad sugiidda heer G/Banaadir kuwaasoo toos uga amarqaato isaga.
  4. Ku garabsiinta maamulkiisa wax walbo ee fudeedeeya ah sida maaliyada iyo siyaasad oo ka timaada Dowladda Dhaxe ee Soomaaliya

Qodobaadaasi ayaa ahaa arrimihii la saadaaliyay ee ahaa wax yaabaha xiligaasi hortaagnaa kuwaasoo xadidi kara qorshayaashiisa siyaasadeed ee maamulkiisa cusub. Wax yaabihii kaga suuragalay ka gudbista caqabadahaasi la saadaalshay waxaan ku xusi doonaa qeeybaha danbe ee qoraalkayga marka aan ka hadlaayo wax yaabahii u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid mudadii uu xilka haayay.

Dadka magaaalada Muqdisho siyaasad ahaan waa bulsho qibrado badan u leh isbadal maamuleed oo aan mudo dheer u dhaxayn kuwaasoo kolba lagu soo xusho rabitaano siyaasadeed iyo danooyin kale oo gaar ah. Balse bulshada xamar wali ma aysan yeelan xuquuqda siyaasadeed ee ah in ay iyagu soo doortaan oo ayna xushaan shaqsiga ay u arkaan in uu horumar dhan walba ah gaarsiin karo taasoo ah xuquuq siyaasadeed oo ka maqan bulsho weynta caasimadda Muqdisho.

G hore ee G Banaadir Muungaab

Arrimaha hoos ku qoran waxa ay ka tarujumayaan si kooban wax qabadkii Guddomiye Muungaab inta aan anigu ka war qabo ee aan baaray kuwaasoo noqonaya ciwaanka warbixintaayada ee ah maxaa lagu xasuustaa Guddomiye Muungaab. Si faah-faahsan iima saamaxaayo qoraalkaan in aan ku soo bandhigo dhammaan wax qaabadkii uu ka guul gaaray Guddomiye Muungaab balse waxaan isku dayi doonaa in aan wax yaabahii ugu muhiimsanaa aan soo qaato.

  1. Isabadalkii maamuleed ee heer Gobol iyo heer Dagmo:- Waxa la wada ogsoonyahay in uu guddomiye Muungaab ku guuleestay in uu isbadal maamuleed ku sameeyo dhammaan maamuladii ka jiray dagmooyinka G/Banaadir kuwaasoo u dhisnaa amaba u shaqanayay si aan ahayn hanaanka dowladeed balse ahaa maamulo ku dhaqmayay hab dhaqankii hogaamiye kooxeednimo kaasoo ahaa QORIGA QAAD: QALNKA DHIG. Go’aansashada isbadal lagu sameeyo maamuladaasi waxa ay asaas u eheyd hirgalinta siyaasadda cusub ee uu lahaa Guddomiye Muungaab taaso ahayd in la helo guddomiyaal dagmo eel eh Aqoon, tayo, wadaniyad iyo in aysan ku lug lhaanin dhibaatooyinkii ka dhacay dalka mudadii 24 sano ee bur burka. Waxa uu sodoo kale isbadallo ku sameeyay Maamulkii Dowladda hoose ee heer Gobol isagoo dhamaan waaxaha dowladda hoose u magacaabay agaasimayaal u badan dhalinyaro leh aqoon xanbaarsanaana fikirka ah aqoon iyo tayo taasoo la sheegay in ay badashay muuqaalkii iyo fikirikii laga qabay Maamulka G/Banaadir markii hore. Dadka wax taxliiliya ayaa sheegay in arrinkaani ah in fursado la siiyo dhlinyarada waxbartay ay ehyeyd arin uu bilaabay Muungaab kuna dhiiraday taasoo loo arkay in ay albaab cusub ay u furayso Mustaqbalka Dowladnimo ee Soomaaliya.
  2. Dib udhiskii Xarunti la oran jiray Offcio-Governo:- Xaruntaani ayaa ehyd halkii looga qidmayn jiray umada ku dhaqan caasimada iyadoo mar ahayd xarunta madaxtooyada soomaaliya dowladii rayidka. Dagaaladii dhacay mudadii burburka ayaa gabi ahaanba baab’iyay xaruntaasi waxaana la sheegaa in Maamuladii soo maray G/Banaadir ee ka horeeyay Muungaab aysan ku dhiiran amaba qorshayn in dib loo dhiso xaruntaasi si uu u hagaago salna u yeesho maamulka. Mashruuca dib loogu dhsiay xaruntaani ayuu Muuungaab ugu magacdaray DALKAAGA DHISO kaasoo uu ula jeeday in Soomaalidu ay iyadu wax qabsato. Sanad ka dib waxa uu ku guuleestay in uu dib u furo xarutaasi taasoo ay ku baxday aduun lacageed oo ku dhaw 2 Miliyuun oo Doolar taasoo ay bixiyeen Ganacsatada soomaaliyeed iyo Maamulkiisa G/Banaadir. Arinkaani ayaa lagu tilmaamay in ay eheyd dabeecad cusub ee ah waxqabsi ay soomaali isku tashanayso uu isagu bilaabay bur-burkii ka dib.
  3. Kala celinta hantidii maguurtada ah:- Dadka soomaaliyeed waxa kala geeyay colaado taasina waxaa laga dhaxlay in si sharci darro ah lagu kala qaato hantidii gaar ahaan tan ma guurtada ah sida Guryaha. Muungaab waxa uu dib u habay ku sameeyay guddiga Dacwooyinka dhulka ee Maamulka G/Banaadir waxaana mudadii uu xilka haayay la xasuustaa in dhulal farabadan oo ay lahaayeen dad soomaaliyeed uu u celiyay dakii heystana uga qaaday cadaalada horteeda. Tani waxa ay keentay in dad badan oo soomaaliyeed ay ku soo dhiiradaan in ay raadsadaan guryahoodi maadaam ay arkayeen in ay fulayso cadaalada.
  4. Adeegyada nadaafadda Caasimadda iyo nalaynta:- Markii u horeysay taariikhda ayaa la sheegaa in wadooyinka caasimadda Muqdisho lagu arko shaqaale ay leedahay Dowladda Hoose ee Xamar kuwaasoo nadiifanaya wadaada dheer ee Maka Al-mukaramah. Waxa la sheegaa in dib u habayn lagu sameeyay waaxda nadaafadda iyadoo loo qoray shaqaalo dheeri ah kuwaasoo guto waajibka ah nadiifinta magaalada. Dadka muqdisho qaar ayaa sheega in ay tani ku filnayn nadiifinta magaalada ee loo baahanyahay shaqaalo dheeri ah. Wadooyin farabadan oo caasimadda ayaa la rakayay iyagoo la galinayo nalalka cad ceeda ku shaqeeyo iyo waliba xaafadaha qaar oo gudaha la gaynayay. Wadooyinka halboolaha caasimadda sida Sodonka iyo warshadaha waa meelaha la naleeyay xiliigii uu Muungaab xilka haayay.
  5. Isku xirka iyo abaabulka Bulshada:- Mudadii uu xilka haayay guddomiye Muungaab waxaa magaalada muqdisho ka dhacayay munaasabado iyo kulamo ujeedkooda ahaa abaabulka bulshada gaar ahaan sidii ay ula shaqanyn lahaayeen laamaha iyo hey’adaha maanka. Tani waxaa la sheegaa in ay kor u qaaday isfahamka iyo wada shaqaynta bulshada iyo Dowladda taasoo noqotay wax yaabo si gaar ah loogu maanay maamulkiisii. Waxaa muqdisho markii ugu horeeysay si toos ah looga bilaabay barnaamijka Darisaynta kaasoo isku xirayo bulshada min Dagmo ilaa tabeele waxa uuna barnaamikaaan ka caawiinaayaa hey’adaha amniga helista xogahah la xiriira amaanka sida uu Guddomiye Muungaab ka sheegay munaasabadii ugu danabeysay ee barnaamijkaas ee ka dhaxday Degamda Howladaag iyadoo uu ka qeebgalaya Madaxweynaha JFS.
  6. Dib uu dhiska:- waxaa dib loo dhisay dhowr xarumo ee maamulada dagmooyinka iyo waaxyahay. Sidoo kale waxaa la dhisay suuqyo iyo xarumo waxbarasho kuwaasoo hadda si habsami leh u shaqeeyo. Waxaan meesha ka marnayn wadooyin dhowr ah oo iyaguna la dayactiray amaba dib loo dhisay.
  7. Tayeeynta Shaqaalaha Maamulka:– Mudadii uu xilka haayay Guddomiye Muungaab, waxaa shaqaalaha kala duwan ee maamulka heer Gobol iyo heer Dagmo la siiyay tababaro nuucyo badan leh kuwaasoo sare loogu qaadayay awooda aqooneed ee shaqaalaha. Waxaa jirtay in tababarada qaar ay ahaayeen kuwo maamulkiisu uu hishiisyo heer caalami ah kula galaayay sida dowladda Turkiga oo dalkeeda tababar ku soo siisay qaar ka mid ah shaqaalaha Gobolka.
  8. Bilaabista canshuuraha guryaha:– Guddomiye Muungaab, 25 sano ka dib waxaa la sheegaa in uu ku guuleestay in uu bilaabo canshuurta guryahay/daaraha ay qaado Dowladda Hoose ee Xamar taasoo laga bilaabay dagmooyinka caasimadda maalmihii ugu danbeeyay. Guddomiye muungaab ayaa mar uu ka hadlayay halka uu maamulkiisu u qorsheeyay lacagahaasi canshuurta sheegay in uu dib ugu dhisi doono wadada muqidsho u ah halboowlaha ee la yiraahdo WADNAHA. Tani waxa ay dhiiro ku abuurtay bulshada ku nool caasimadda oo horay uga bartay Muungaab in uu dhisay Aqalkii Dowladda Hoose laguna dhisay hanta soomaaliyeed.

Mudada uu xilka guddomiyenimo ku magacawnaa Muungaab waa 27/02/14 ilaa 25/10/15 taaso ah hal sano, todobo bilood iyo shan iyo labaatan maalmood. Waqtigaasi kooban, waxa uu maamulkiisa u qabsoomay arrimaha kor ku xusan. Waxaan xasuustaa maalintii la furayay aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa ka hadlay wasiiru dowlaha arrimaha Gudaha Mudane Xidig waxa uuna si kaftan ah ku yiray madaweyne Xasan Shiikh " Mas’uuliyiinta sidaan oo kale ah (waxa uu u la jeedaa Guddomiye Muungaab) waa in laga daayaa wararka ah xil ka qaadis si ay ugu sii dhiiradaan wax qabad hor leh”.

Mudada uu xafiisk haayay Muungaab waxa uu la kulmay caqabado dhoowr ah kuwaasoo keenay in ahdaafta qaar ee uu lahaa in uu gaari waayay sida in xafiiskiisa la hoos keeno Ciidanka Booliska iyo Nabad sugiidda heer Gobol iyo in magaalada Muqdisho laga hirgaliyo doorashooyin heer deegaan taasoo dhabaha u xaarta in Caasimada muqdisho ay hesho maamul leh awood sharciyadeed sida mid siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba.

Si kooban, waxaan hoos ku soo bandhigayaa dhowr qodob kuwaasoo ku noqday caqabado guddomiye Muungaab mudadii uu xilka haayay iyadoo tani ay mar kale caqabado cusub ku noqon doonto guddomiyaha Cusub ee hadda la magacaabay (Shiikh Yusuf Jimcaale).

  • Ka gaabintii ay Dowladda dhaxe ka gaabisay in laga dhabeeyo balanqaadkii ahaa in la hoos keeno laamaha amniga ee Booliska iyo Nabad sugiida G/Banaadir. Tani waxa ay ku qasabtay in uu noqdo qof aan wax laga weydiin amaan darada Caasimadda Muqdisho balse sheegay in uu la shaqayn doono laamaha amniga .
  • Arrimaha aruurinta canshuuraha deegaanka oo uu murano culus ka dhax dhacay maamulkiisa iyo Wasaaradda Maaliyadda taasoo keentay in guddomiye Muungaab uu ka dhawaajiyo in magaalada Muqdisho lagu haayo culees kaga imaanaya hey’adaha dowladda dhaxe ee Federaalka kuwaaso ku qabsada xuquuqaha dhaqaale ee u gaarka ah caasimadda ama Dowladda Hoose ee Xamar. Tani waxa ay keentay in dhaqaale xumi soo wajahdo maamulkiisa gaar ahaan in uu si habsami leh u waayo qoondadii laga siin jiray Furdada/Dakadda Xamar.
  • Culees siyaasadeed ee kaga imaanayay dowladda dhaxe ee ku aadan in uu fulin waayay mid ka mid ah ahdaaftiisi siyaasadeed oo ah in Caasimadda muddo kooban ay ku sameesysato gole deegaan oo is doorta si loo helo Duq Magaalo oo la soo Doortay kaasoo yeesh awoodo sharciyadeed oo uu kula xisaabtamo dowladda dhaxe.
  • Mudadii uu xilka haayay guddomiye Muungaab, waxaa la sheegaa in aysan dowladda dhaxe ee soomaaliya siini wax taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo gaar ah si adeegyada bulshada loo tayeeyo loona soo celiyo, taa badalkeedna waxa ay dowladda dhaxe ku mashquushay muranadii siyaasadeed ee iyada u dhaxeeyay iyo dhisimaha maamul goboleedyada wadanka oo aad u jiitamay.

Qodobadaasi kor ku xusan iyo kuwo kalaba ayaa la sheegaa in ay ahaayeen caqanadihii ugu waayeeynaa ee uu la kulmay inta uu xilka haayay iyadoo la sheego in uu ka gudbay kuwo aad u farabadnaa oo la saadalinayay in ay hakad ku keeni karaan hana qaadka maamulkiisi cusbaa.

25 bisha Oktoobar 2015, waxa uu madaxweynah JFS si rasmi ah ugu qaaday xilkii guddomiye Muungaab waxa uuna xilkaasi u magacaabay Md Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale. Waxaa la sheegaa in Shiikh Yuusuf uu aad ugu dhawyahay Madaxweyne Xasan sheikh isagoo xil sare ka haayay Xisbiga PDP ee uu Madaxweyne Xasan Shiikh guddomiye ka yahay.

Warqadda Xil ka qaadista Muungaab laguma sheegin sababaha keenay in Madaxweyne Xasan uu xilk ka qaadis ku sameeyo guddomiye Muungaab oo xiligaas shaqo ujoogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Dadka Muqdisho ayaa waqtiyadii ugu danbeeyay waxa ay isla dhax mari jireen in Muungaab uu isku diyarinayo in uu Musharax madaxweyne noqdo 2016 xiligaasoo lagu balansanayahay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Dalak Soomaaliya balse mar uu u hadlayaa laanta afka soomaaliga ee BBC da uu arinkaasi beeniyay isagoo si kaftan ah u yiray "aniga odaygii I soo magacaabay ayaa sheegtay in uu Musharax yahay 2016 marka aniga in aan isaga wax la wado maahine dhinaciisa wax ka calaajin maayo”.

Waxaa jiro warar sheegayo in saaxiibada siyaasadda ee Madaxweyne Xasan Shiikh kuwaaso la sheego inta badan in ay yihiin kuwo ku hareereysan oo kala talayo siyaasadda in ay ka soo horjeesteen guddomiye Muungaab una jeediyeen Madaxweynaha in uu xil ka qaadis ku sameeyo. Sababtaasi ay ugu amreen madaxweynaha lama oga balse waxaa la isla dhaxmarayay in horumarada dag daga ah ee ku socday xoowliga gaar ahaan bilaabista dhismaha wadada Wadnaha ee uu ku dhawaaqay Muungaab loo arkay mid ka dhigaysa Muungaab in uu magac iyo sharaf ku yeesho taasima ay Mustaqabalka keento tartan siyaasadeed ee uu la soo baxo mustaqbalka dhaw.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ku doodo in guddomiye Muungaab uu ahaa shaqsi leh go’aan iyo karti halka ay jireen in kuwo kale oo u soo jeedinayeen eedeeymo kala duwan oo ay ku dhaliilayeen maamulkiisa.

Waxaa Qoray:- Ahmed Hussein Wasuge,

Muqdisho-Somalia.

E-mail:- badal55@hotmail.com

xigasho:-jowhar.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip