Baanka Dhexe ee Kenya: Xawaalada Dahabshiil liiska diiwaanka lagama saarin
"Baanka caalamiga ah ee Dahabshiil Bank International Kenya Ltd waa baan ka duwan xawaalada oo soo codsaday leysin baan balse ka noqday codsigii,” sidaa waxaa shaaca ka qaaday maamulka baanka dhexe ee Kenya oo asagu kala xadeeya sharuucna u dajiya shirkadaha lacagaha ama maaliyada ee gudaha dalka Kenya daggan.
Ogeysiiska kusaabsan in xawaalada Dahabshiil diiwaan galinta laga saaray ayaa waxaa lagu daabacay sidoo kale baraha bulshada ee shirkadaha warbaahinta ee maxaliga ah ee Kenya qaarkood kadibna waxaa uu sababay jahwareer gudaha Kenya iyo caalamka meelo kale oo ka tirsan intaba.
Waxaa arintaa ku jah wareeray macaamisha xawaalada Dahabshiil iyo dadweynaha in badan oo ka tirsan.
Sidoo kale ayaa arintaasi fikir dhalisay ama afkaar kala duwan gudaha baraha bulshadu ku wada xiriirto ee internetka ayadoo dadka qaarkii ay la xiriirsheen arinta "aar goosasho” dawlada Kenya ay ka aargoosanayso dawlada Soomaaliya maadaama ay dhawaan hakisay duulimaadyadii diyaaradaha Kenya ee qaadku ay qaadka ku geyn jireen Soomaaliya sidaas oo beeraleyda jaadka iyo ganacsatada jaadku ku waayaan malaayiin shilkinka Kenya ah maalin walba.
Barta wararka ee Hiiraan Online ayaa ogaatay in xawaalada Dahabshiil ay wali ka diiwaan gashan tahay kana shaqeyneyso Kenya.
Xigasho:-hiiraan.com
Baanka Dhexe ee Kenya: Xawaalada Dahabshiil liiska diiwaanka lagama saarin
Baanka Dhexe ee Kenya (CBK) ayaa gaashaanka u daruuray warar laisugu gudbinaayo baraha bulshadu ku wada xiriirto ee (social media) kuwaasoo sheegaya in xawaalada Dahabshiil liiska diiwaanka laga saaray oo dawlada Kenya ay ka saartay.