
Villa Somalia oo shaacisay hanti uu Imaaraadka ka dhacay Soomaaliya
La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay ku lug leedahay dhoofinta sharci-darrada ah ee khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya—gaar ahaan dahabka iyo macdanta—iyo inay dhulka dalka u isticmaalayso marin aan sharci ahayn oo lagu kala gudbiyo khayraadka, dadka, iyo colaadaha gobolka.
Qoraal faahfaahsan oo uu Danjire Aweys ku daabacay bartiisa X (Twitter) Khamiistii, saacado kadib markii dowladda federaalka ay 72 saacadood u qabatay safiirkii Imaaraadka inuu dalka uga baxo, ayuu ku sharraxay in go’aanka Muqdisho uu salka ku hayo khatar amni oo sii kordheysay.
"Dhoofinta sharci-darrada ah ee khayraadka qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan macdanta iyo dahabka, iyo adeegsiga dekadda Berbera bishii Janaayo 2026 iyadoo aan ogolaansho laga haysan dowladda federaalka si loogu gudbiyo hoggaamiye maleeshiyo oo ka cararayay Yemen, waxay muujinayaan in dhulka Soomaaliya loo isticmaalayo marin aan sharci ahayn oo lagu tahriibiyo khayraadka iyo dadka,” ayuu yiri Aweys.
Wuxuu si cad uga digay in xukuumadda federaalka aysan u dulqaadan doonin in xeebaha iyo hawada Soomaaliya loo adeegsado dagaallada ka socda dalalka deriska ah.
"Soomaaliya ma ogolaan doonto in dhulkeeda, dekeddeeda ama hawadeeda loo adeegsado in colaad loogu dhoofiyo Yemen, Suudaan ama dal kasta oo kale,” ayuu ku daray.
Xayiraaddii hawada iyo heshiisyadii dekadaha
Hadalka La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa bixinaya faahfaahinta ugu culus ee ka dambeysay go’aankii Golaha Wasiirrada ee uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, kaas oo dalka looga ceyriyay Danjire Axmed Jumaa Al-Rumaithi, looguna yeeray safiirkii Soomaaliya ee Abu Dhabi.
Sida uu sheegay Aweys, tallaabada ceyrinta ayaa timid kadib markii ay socdeen toban bilood oo xadgudubyo joogto ah, tan iyo markii ay dowladdu 12-kii Janaayo 2026 burisay dhammaan heshiisyadii dekadaha, amniga, difaaca, iyo dhaqaalaha ee lala galay Imaaraadka, hawada Soomaaliyana ay ka xirtay diyaaradaha milatariga iyo kuwa xamuulka ee dalkaas.
Wuxuu ku dooday in heshiisyada dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo ee la galay ogolaansho la’aanta dowladda dhexe ay kaabayaasha istiraatiijiga ah ee qaranka ka saareen gacanta dowladda.
"Taasi waa arrin amni, ee ma aha mid siyaasadeed,” ayuu yiri Aweys, isagoo ku dhaartay in Soomaaliya ay difaaci doonto dhulkeeda, madax-bannaanideeda, iyo midnimadeeda "si kasta oo uu ogol yahay sharciga Soomaaliya iyo kan caalamiga ah.”
Ciidamada barbar-socda dowladda
Marka laga soo tago tahriibinta khayraadka iyo maamulka dekadaha, Danjire Aweys wuxuu Abu Dhabi ku eedeeyay inay gudaha dalka ku leedahay saldhigyo milatari iyo cutubyo hubaysan oo ka baxsan taliska guud ee ciidamada qalabka sida, taas oo uu sheegay inay kala qaybinayso awoodda, isla markaana ay wiiqayso Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Wuxuu taageerada siyaasadeed iyo midda maaliyadeed ee maamul-goboleedyada qaar looga hor keenayo dowladda federaalka ku tilmaamay "dagaal wakiilnimo (proxy war) oo ka dhan ah dowladnimada sharciga ah.”
Sidoo kale, wuxuu farta ku fiiqay aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland iyo diidmada Imaaraadka ee ku biirista bayaannada Carabta iyo Islaamka ee lagu cambaareeyay tallaabadaas, isagoo adkeeyay in Somaliland ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Inkastoo uu qiray taageeradii hore ee Imaaraadka, haddana Aweys wuxuu sheegay in xiriirkii taariikhiga ahaa uusan ka horreyn karin ilaalinta amniga qaranka.
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma ilowsana taariikhda. Wuu og yahay taageeradii uu Imaaraadku mar siiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Balse amniga qaranku kuma xirna waqti, mana lahan saaxiibbo joogto ah,” ayuu yiri.


0 




Villa Somalia oo shaacisay hanti uu Imaaraadka ka dhacay Soomaaliya
.