Dowladda Ingiriiska oo qaadday tallaabo ka dhan Israa'iil oo Falastiiniyiinta ugu hiilinayaan

0
Wednesday November 18, 2026 - 10:19:21 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Ingiriiska oo qaadday tallaabo ka dhan Israa'iil oo Falastiiniyiinta ugu hiilinayaan

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Britain ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay siddeed shirkadood oo Israa’iili leedaya oo ku lug leh dhismaha deegaamaynta bulshadaYuhuudda ee Daanta Galbeed ee la haysto. Sidoo kale, cunaqabatayn ayaa lagu soo rogay urur Israa’iili ah oo isku dayay inuu hor istaago in gargaarku gaaro Marinka Gaza.

 

 

Kuwani waa cunaqabatayntii ugu horreysay ee Britain qaaddo tan iyo markii ay bishii Sebtembar wax ka beddeshay siyaasaddeeda ku aaddan Israa’iil iyo deegaamaynta Daanta Galbeed.

 

Dowladda Britain ayaa sheegtay in tallaabadani ay ujeeddadeedu tahay ilaalinta suuragalnimada hirgelinta xalka labada dal.

 

Dhanka kale, haweeney Falastiini ah ayaa la sheegay in ay toogasho lagu dilay oo uu dilay qof ka mid ah Israa’iiliyiinta ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto, halka 10 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gaari ku dhow magaalada Ariixa la weeraray, dhagxaan badanna lagu tuuray, taas oo keentay in rasaas jawaab celin ah la furo.

 

Waxaa la sheegay in degaya ay ku sii jeedeen goob cusub oo ay doonayeen inay ka sameystaan meel ay wax ka daawadaan.

 

Tirokoobka Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in ku dhowaad 100 Falastiiniyiin ah lagu dilay toogashooyin ka dhacay Daanta Galbeed sannadkan.

 

Dhammaan Israa’iiliyiinta deegaamaynta ka wada Daanta Galbeed ayaa sharci-darro ka ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip