Masar maxay IMF dib ugu celinaysa balaayiin dollar?

0
Wednesday November 18, 2026 - 09:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 52
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masar maxay IMF dib ugu celinaysa balaayiin dollar?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

  Dowladda Masar ayaa ku guda jirta qorshe ay bisha soo socota ee December ku bilabaayso bixinta qayb ka mid ah deynta ay ku leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), taas oo gaaraysa $5.7 Bilyan oo doollar.

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qorshahan ayaa lagu wadaa in si rasmi ah loogu soo gaba-gabeeyo deyntaas sannadka 2030, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo la hadlay warbaahinta.

Sid qorshaha ku cad, wajiga koowaad ee bixintan ayay dowladda Masar ku bixin doontaa lacag dhan $350 Milyan oo doollar. Intaas kadib, waxaa si tartiib-tartiib ah loo dhammaystiri doonaa inta ka dhiman deyntaas.

 

Halganka dowladda ee bixinta lacagtan ayaa yimid iyada oo horay qorshuhu ahaa in hal mar la wada bixiyo, hase yeeshee waxaa caqabad ku noqday dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira dalkaasi.

Diiwaanka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa muujinaya in Qaahira ay muddo afar jeer ah lacagtan ka soo amaahatay hay’adda.

Lacagahan ayay dowladdu u adeegsatay mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin kabidda dhaqaalaha dowladda iyo xal u helidda dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka soo wajahay sanadaha 2016, laba jeer oo ka mid ahayd 2020 iyo sanadkii 2022.

 

Dhinaca kale, khubarrada dhaqaalaha ee Masar ayaa sheegaya in dowladdu ay kordhisay ilaha dhaqaalaha dalkeeda si ay uga hortagto in deyntu ay ka gudubto waqtigii loogu talagalay.

Khubaradu waxay xuseen in dib-u-dhac kasta oo ku yimaada bixinta deyntaan uu sii kordhinayo dulsaarka lacagta, taas oo culays dheeraad ah ku noqonaysa dhaqaalaha Masar, waana midda ay haatan ka carareyso Qaahira.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip