
Xog cusub: Israel oo jeneraal reer Iran ah ka afduubatay Turkey kadibna dishay
Wargeyska caanka ah ee The New York Times ayaa Axaddii daabacay warbixin xasaasi ah oo daaha ka qaadaysa in Israa’iil ay afduubatay laba sarkaal oo sare oo u dhashay dalka Iiraan — kuwaas oo midkood ay dishay.
Falkan ayaa dhacay intii ay ku guda jirtay baadi-goob qaatay tobannaan sano oo ay ku raadineysay duuliye Israa’iili ah oo diyaaraddiisii dagaalku ku burburtay dalka Lubnaan sanadkii 1986-kii, xilli uu duqeyn ka waday halkaas.
Duuliyahan oo lagu magacaabi jiray Ron Arad ayaa sanadkii 1986-kii duqeynayay tuulooyin ku yaalla Lubnaan, markaas oo mid ka mid ah gantaalladiisii uu cilladobay, taas oo ku qasabtay inuu ka soo boodo diyaaradda.
Tan iyo markaas, Israa’iil waxay wadday howlgal joogto ah oo ay ku raadineyso waxa ku dhacay Arad, kaas oo reebay raadad dhimasho iyo burbur ah oo ay ku naf waayeen in ka badan 40 qof, tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.
The New York Times ayaa xusay in baadi-goobka Arad uu salka ku hayo "caadada Yuhuudda” ee ah in askartooda dib loogu soo celiyo Israa’iil.
Bishii December ee sanadkii 2006, Alireza Asgari oo ahaa janaraal hore oo ka tirsanaa ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), isla markaana soo noqday wasiir ku-xigeenka gaashaandhigga Iiraan, ayaa noqday mid ka mid ah dhibbanayaashii ugu horreeyay ee howlgalladaas.
Asgari ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, wuxuuna degay hoteelka Ceylan ee u dhow fagaaraha Taksim, balse wax yar kaddib waxaa halkaas ka afduubtay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.
Sannooyin kaddib markii Iiraan ay codsatay xog ku saabsan halka uu ku dambeeyay Asgari, saraakiil Israa’iili ah ayaa u sheegay dhiggooda Mareykanka inay jirdil u geysteen muddo dhowr toddobaad ah, iyagoo si khaldan u aaminsanaa inuu hayo xog ku saabsan Ron Arad. Markii ay sirdoonka Israa’iil xaqiiqsadeen in Asgari uusan waxba ka ogeyn duuliyahaas, way dileen, meydkiisiina waxay ku tuureen Badda Madow.
Xilligaas waxaa hay’adda Mossad madax ka ahaa Meir Dagan, waxaana go’aanka lagu dilayo sarkaal sare oo Iiraani ah la rumeysan yahay inuu u baahnaa oggolaanshaha Ra’iisul Wasaarihii Israa’iil ee sanadkii 2007, Ehud Olmert.
Baaritaan ay sameysay dowladda Iiraan ayaa lagu ogaaday in sirdoonka Israa’iil ay u dhaceen qolkiisii hoteelka ee Istanbul, ay suuxiyeen kaddibna afduubteen, iyadoo gaarigii lagu fuliyay howlgalka laga helay isagoo laga tagay meel u dhow Badda Madow.
Inkastoo aysan jirin wax caddeyn ah oo Iiraan la xiriirinaya maqnaanshaha Arad, Israa’iil waxay sanadkii 2021 magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya ka afduubatay Janaraal Cabdullaahi Saberi oo ka tirsanaa taliyeyaasha ciidanka IRGC, xilli uu subaxnimadii orod jimicsi ah ku jiray.
Saraakiisha Mossad ayaa Saberi ku riday sanduuq qaboojiye ah, kaddibna ku qaaday gaari nooca xamuulka yar ah. Su’aalo-weydiin dheer iyo jirdil kaddib, Israa’iiliyiintu waxay Saberi isagoo nool ku tureen magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, si ay u qariyaan cidda ka dambeysay afduubka. Saberi isna waxba kama ogeyn Arad.
Baaritaan wadajir ah oo ay sameeyeen Xisbullah iyo Iiraan ayaa lagu soo gabagabeeyay in Ron Arad uu u badan yahay inuu sanadkii 1988-kii ku dhintay tuulada Nabi Chit ee bariga Lubnaan — qiyaastii laba sano kaddib markii ay diyaaraddiisu soo dhacday — halkaasna lagu aasay. Hase yeeshee, saraakiisha Israa’iil waxay weli ku dhegganaayeen aragtida ah in Iiraan ay wax ka ogtahay masiirkiisa.
Bishii December 2025, Israa’iil waxay afduubatay Axmed Shukr oo ahaa sarkaal howlgab ah oo ka tirsanaa laamaha amniga Lubnaan, kaas oo gurigiisa uga baxay kulan uu u haystay mid ganacsi.
Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa rumeysan in sirdoonka Israa’iil ay kaxaysteen, mana la arag meel uu jaan iyo cirib dhigay tan iyo markaas. Israa’iil ayaa hadda aaminsan in Shukr uu dilay Arad si uu ugu aargudo walaalkiis oo ciidamada Israa’iil ay ku dileen meel u dhow Nabi Chit sanadkii 1988-kii, inkastoo aysan jirin wax caddeyn ah oo taageeraya sheegashadaas.
Horraantii sanadkan, gaar ahaan intii u dhexeysay 6-dii ilaa 7-dii Maarso 2026, ciidamada Israa’iil waxay in ka badan 40 duqeyn ku qaadeen tuulada Nabi Chit, iyagoo rumeysan in meydka Arad uu ku aasan yahay qabuuro ku yaalla tuuladaas.
Weerarradaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 41 qof, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen, mana lagu guuleysan in laga helo meydka Arad. Guud ahaan dalka Lubnaan, weerarrada Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 4,358 qof intii u dhexeysay 2-dii Maarso ilaa horraantii September ee sanadkan 2026.


0 




Xog cusub: Israel oo jeneraal reer Iran ah ka afduubatay Turkey kadibna dishay
.