Ramla Cali oo war cusub kasoo saartay xukunka lagu riday ninkii qorsheeyay dilkeeda

0
Monday November 16, 2026 - 12:41:43 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramla Cali oo war cusub kasoo saartay xukunka lagu riday ninkii qorsheeyay dilkeeda

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Feeryahanadda caanka ah ee Soomaaliyeed, Ramla Cali ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadashay kiiska ninkii maleegay qorshaha dilkeeda, xilli ay dabayaaqadii sannadkii hore 2025 booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

 

Ramla Cali oo wareysi gaar ah siisay wariyaha caanka ah Maxamed Cabdi Muudey ayaa sheegtay in warka ku saabsan qorshaha dilkeeda uu soo gaaray kaddib markii ay ka laabatay Soomaaliya, iyada oo xustay inay ka aragtay baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliyeed.

Feeryahanad Ramla ayaa su’aal ka keentay xukunka lagu riday ninka lagu helay inuu basaasay xilligii ay ku sugnayd Muqdisho, waxayna sheegtay inay jeclaan lahayd in lagu xukumo 100 sano oo xabsi ah, halka Maxkamadda Ciidamada ay ninkaas ku ridday 10 sano.

 

"Aniga ma ogeyn Soomaaliya markii aan joogay, laakin waxaan maqlay bishii March ee sanadkan waan arkay xukunka Maxkamadda, waxaana u maleynayaa in 10 sano lagu xukumay, laakiin kuma filna waxay ahayd in lagu xukumo 100 sano,” ayay tiri Ramla Cali.

Sidoo kale, waxay intaas ku dartay in hanjabaadaha ay la kulantay aysan hor istaagi doonin shaqadeeda, isla markaana aysan cabsi gelin doonin. Waxaa kale oo ay xustay in mar kale ay Soomaaliya ku soo laaban doonto, iyadoo tilmaamtay in wax walba ay leeyihiin waqti u gaar ah.

Bishii March ee sanadkan ayay ahayd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay go’aan ka gaartay kiiska Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) iyo koox uu hoggaaminayay oo lagu helay inay basaaseen Feeryahanad Ramla Cali oo horay u timid magaalada Muqdisho, kadibna dib uga laabatay.

 

Cabdisalaan Aamusane iyo afar xubnood oo kale oo ay ku jiraan laba dumar ah ayaa lagu eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen howlo basaasnimo iyo gabaadsiinta xubbno ka tirsan Argagixisada.

Xukunsane Cabdisalaam oo hadda ku xiran xabsiga dhexe ayaa si gaar ah loogu eedeeyay tan iyo 2014 inuu ka tirsanaa qeybta dhagaraha Argagaxisada,gaar ahaan basaasida dilalka gaadmada iyo qeybta qaraxyada, waxaana uu qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sahminta guryo ay saraakiil daganaayen, indho indheynta xarumaha degmooyinka Xamarjajab iyo Xamarwayne, gudbinta xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID-ga NIRA iyo bixinta macluumaadyo lagu beegsan lahaa Feeryahanada Soomaaliyeed Ramla Cali oo dalkeeda soo booqatay.

Ugu dambeyn, Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa lagu xukumay toban sano oo xabsi Argagaxiso ah, sidoo kale waxaa lala xukumay, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo isna lagu riday labo sano oo xabsi ah, halka Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed iyagana lagu xukumay min hal sano oo il-ku hayn amni ah. Dhankale waxay xilligaas Maxkamadda Ciidamada xorriyaddiisa siisay Cabdulahi Cusmaan Maxamed, kadib markii ay tix galisay dooda qareenkiisa oo aheyd in uu soo dhammaystay xukun horay ugu dhacay, maxkamadduna ay u cadaan weysay in uu dib ugu laabtay kooxaha Argagaxisada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip