Soomaalida aaga Moyaale oo aano qabiil isku xasuuqday xili colaadii Oromaduna wali jirto

0
Saturday November 14, 2026 - 11:44:46 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida aaga Moyaale oo aano qabiil isku xasuuqday xili colaadii Oromaduna wali jirto

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wararka laga helaayo Xuduuda Somalia,Itoobiya iyo Kenya gaar ahaan nawaaxiga Magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in deegaanka Malkamari lagu dilay 8 ruux oo shacab ah kadib markii kooxo hubeysani weerareen.

Kuwa dadka laayay iyo kuwa la laayay ayaa dhamaantood la soo aheegayaa inay Soomaali wada yihiin iskamarkaana ay kala yihiin Laba Beelood.
Saaka ayuu weerarkaani dhacay xili dadka ay hurdeen waxaana u badan 8-da ruux ee la dilay haween iyo caruur,sidoo kale deegaanka weerarka uu ka dhacay ayaa u dhaw Mooyaale.
weerarkaan Soomaalidu dhexdooda is leynayaanayaa ku soo aaday xili xiisad dagaal ay ka jirto dhanka Mooyaale taasoo u dhexeysa Soomaalida iyo Oromada Itoobiya inkastoo ciidamada Dowlada Itoobiya kala dhex galeen.
Dhanka xadka Kenya dadku waxay dhibaato ku qabaan dagaalada u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada iyadoo rasaasta habowga ah ee Mooyaale ka yimaada ay waxyeeleyso shacabka Kenyaanka ah.
Guddoomiyaha ismaamulka Marsabit ee Kenya, Maxamuud Cali, ayaa sheegay in rasaas habow ah oo dhanka Mooyaale ka timid ay dhawaan ku dhinteen 2 ruux halka 22 kalana ku dhaawacmeen,sidoo kale ilaa 50 kun Itoobiyaan ah oo dagaalada ka soo barakacay ayaa u talaabay dhanka kenya gaar ahaana ismaamulka Marsabit .
DEG DEG: Dagaalka Mooyaale oo Lagu Xasuuqay Oromada & Ciidamada Soomaalida oo Guul Weyn Gaaray




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip