
Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Dakhliga Qaranka
Mudane Faysal Maxamed Xaashi, oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, ayaa tan iyo sannadkii 2023 ka soo qabtay shaqooyin muhiim ah oo la xiriira arrimaha dakhliga, kuwaas oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta iyo casriyeynta ilaha dakhliga.
Mudane Faysal Maxamed Xaashi waa khabiir ku takhasusay maamulka maaliyadda guud, siyaasadda dhaqaalaha iyo kobcinta dakhliga gudaha, isaga oo leh in ka badan 12 sano oo waayo-aragnimo shaqo ah oo ku saabsan arrimaha dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu Wasaaradda Maaliyadda ka soo qabtay xilal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Sarkaal Maaliyadeed, Madaxa Waaxda Fulinta Miisaaniyadda iyo Madaxa Waaxda Siyaasadda iyo Falanqaynta Dhaqaalaha Guud. Bishii May 2023 ayuu noqday Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.
Dhanka waxbarashada, waxa uu shahaadada Master-ka ee Horumarinta Dhaqaalaha ka qaatay Jaamacadda Ritsumeikan ee dalka Japan sannadkii 2019, halka shahaadada koowaad ee Xisaabaadka uu ka qaatay Jaamacadda SIMAD. Waxa kale oo uu tababbarro heer caalami ah ku qaatay maamulka maaliyadda guud, qorsheynta dhaqaalaha iyo saadaasha dakhliga.


0 




Golaha Wasiirrada oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Dakhliga Qaranka
.