Aadan Madoobe oo maanta ku wajahan Baraawe iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay.

0
Thursday November 12, 2026 - 11:18:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Madoobe oo maanta ku wajahan Baraawe iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta la filayaa inuu gaaro magaalada Baraawe oo ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Safarkan ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee Aadan Madoobe uu Baraawe tago tan iyo markii uu xilka madaxweynaha maamulka qabtay, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo amni oo xooggan, isla markaana si weyn loo adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah.

Wararka laga helayo Baraawe ayaa sheegaya in diyaar-garow ballaaran loo sameeyay soo dhaweynta madaxweynaha, iyadoo ciidamada ammaanka la geeyay waddooyinka iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

Inta uu ku sugan yahay Baraawe, Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu kormeero xarumaha ciidamada iyo goobaha ay ku sugan yihiin laamaha kala duwan ee amniga, isagoo sidoo kale ka arrinsan doona qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo ammaanka deegaanada Koonfur Galbeed.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wajahayo xaalado amni iyo siyaasadeed oo u baahan qorsheyaal lagu xoojinayo xasilloonida deegaanada maamulka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip