
Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Turkiga ka daah-furay…
.
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac ayaa magaalada Antalya ka daahfuray Qorshaha Maalgashiga Qaranka ee Hindisaha Saddexaad ee Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada.Qorshahan ayaa ka kooban toddobo tiir, 27 barnaamij iyo 44 hindise-maalgashi ah, iyadoo baahida maalgelintiisa tobanka sano ee soo socda lagu qiyaasay 12.8 bilyan oo doollar.
Maalgelinta ayaa lagu horumarinayaa dhinacyada beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, biyaha, tamarta, caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixisay wax-ka-qabashada saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana ay diyaarisay qorshayaal ballaaran oo lagu wajahayo caqabadaha deegaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay hesho maalgelin iyo iskaashi caalami ah, si loo yareeyo saameynta abaaraha iyo fatahaadaha, loona xoojiyo adkeysiga bulshada.
Munaasabadda daah-furka qorshahan waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday dowladda Denmark, Bangiga Adduunka, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bangiga Horumarinta Afrika, kuwaas oo ka wada-hadlay fursadaha maalgelinta iyo taageerada hirgelinta qorshaha.
Daah-furka qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso awoodda dalka ee la tacaalidda isbeddelka cimilada, iyadoo diiradda la saarayo maalgelinta mashaariicda wax ka qabanaya caqabadaha deegaanka iyo kuwa bulshada.











0 


Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Turkiga ka daah-furay…
.