Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM

0
Monday November 09, 2026 - 13:38:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Ruth Anne Stevens-Klitz, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo gaashaandhigga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in mas'uuliyadda amniga dalka si qorsheysan loogu wareejiyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo awooddooda iyo diyaargarowgooda.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulanka ku soo bandhigay xaaladda howlgalada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go'an tahay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.

Waxaa sidoo kale laga hadlay wareejinta saldhiggii hore ee ciidamada AUSSOM ee magaalada Baraawe, kaas oo ay la wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista taageerada Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada tababarka, tayeynta ciidamada iyo taageerada howlgalada milatari.

Kulankan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta awoodda ciidamadeeda iyo dardargelinta qorshaha ay kula wareegayaan mas'uuliyadda amniga dalka.

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip