
Khayre oo dowladda ku eedeeyay inay mushaarka ka jartay kumannaan askari
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay liiska mushaaraadka ciidamada xoogga dalka ka saartay ku dhowaad 10,000 oo askari, kuwaas oo uu sheegay inay ku jiraan carruurtii ay ka tageen askar ku dhimatay difaaca dalka.
Khayre oo hadalkan ka jeediyay shir jaraa’id oo ay qabteen Madasha Samatabixinta Qaranka, ayaa sheegay in tallaabadan ay saameysay kumannaan askari iyo qoysaskooda, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay dhaqaalaha laga jaray ciidamada u weecinayso dad uu ku tilmaamay kuwo xiriir dhow la leh Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu sheegay in liiska mushaaraadka ciidamada laga saaray askar ku jiray diiwaanka dowladda, isaga oo si gaar ah u xusay carruurta askarta ku dhimatay dagaallada lagu difaacayay dalka, kuwaas oo uu sheegay in iyaguna laga joojiyay mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.
Tirada askarta la sheegay in liiska laga saaray iyo eedeymaha ku saabsan halka loo weeciyay dhaqaalaha laga jartay ciidanka ayaan weli haynin xaqiijin madax-bannaan.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka ay dhawaan dalbadeen in si degdeg ah loo caddeeyo sababta loo jaray xuquuqda dhaqaale ee qaar ka mid ah ciidamada ku dhimatay dagaallada.
Guddiga ayaa sheegay in qaar ka mid ah askarta ku sugan Jubbaland lagu wargeliyay in mushaharkooda laga jaray 100 doolar,iyaga oo sheegay in baarlamaanku doonayo inuu ogaado sababta iyo cidda amartay tallaabadaas.


0 




Khayre oo dowladda ku eedeeyay inay mushaarka ka jartay kumannaan askari
.