Gabadh Soomaaliyeed oo dadaal ugu jirta in ay beddasho sawirka dunidu ka haysato Muqdisho

0
Saturday November 07, 2026 - 09:10:12 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Soomaaliyeed oo dadaal ugu jirta in ay beddasho sawirka dunidu ka haysato Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Sucdi Cabdifataax Cabdulqaadir, oo ah gabadh Soomaaliyeed oo 23 jir ah, ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dunida ugu soo bandhigi lahayd bilicda, taariikhda iyo dhaqanka magaalada Muqdisho, iyadoo dalxiisayaasha ku hagta goobaha quruxda badan ee caasimadda Soomaaliya.

War bixin dheer oo ay qortay BBC News ayaa lagu sheegay in Sucdi oo ka mid ah hagayaasha dalxiiska ee sii kordhaya, ay doonaysa in ay beddasho sawirka ay dunidu ka haysato Muqdisho, kaas oo inta badan la xidhiidha qaraxyada, amni-darrada iyo colaadaha muddada dheer dalka ka jiray.

Waxay dalxiisayaasha geysa xeebaha Jasiira iyo Liido, bacaadka ku dhow caasimadda, suuqyada kalluunka iyo goobaha taariikhiga ah ee ka tarjumaya sooyaalka Muqdisho oo qarniyo badan ahayd xarun ganacsi oo muhiim ah oo ku taalla xeebaha Badweynta Hindiya. Sidoo kale, waxay martida fursad u siisaa inay dhadhamiyaan cuntooyinka dhaqanka Soomaaliyeed, sida hilibka geela, sambuuska iyo shaaha.

Sucdi ayaa sheegtay in dalxiisayaal badan oo Muqdisho yimaadda ay la yaabaan quruxda dalka iyo soo dhoweynta bulshada, maadaama ay hore u haysteen sawir ka duwan xaqiiqada ay indhahooda ku arkaan. Waxay sidoo kale sheegtay in suuqyada kalluunka ay si gaar ah ula dhacaan noocyada kala duwan ee kalluunka laga helo xeebaha dhaadheer ee Soomaaliya.

Xirfadda hagidda dalxiiska waxay ka dhaxashay aabbaheed oo in ka badan 30 sannadood ku soo jiray shaqadan, isaga oo dalxiisayaal, saxafiyiin iyo sawirqaadayaal dalal kala duwan ka yimid ku soo wareejin jiray Soomaaliya. Sucdi ayaa sheegtay in ay shaqadan bilowday ku dhowaad saddex sannadood ka hor, markii hore hiwaayad ahaan, balse markii dambe ay noqotay xirfad ay xiisaynayso.

Waxay hadda aabbaheed iyo koox kale oo hagayaal ah kala shaqaysaa hawlaha dalxiiska, iyada oo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ku baahisa muuqaallo muujinaya goobaha dalxiiska ee Muqdisho. Waxa kale oo ay qorshaynaysaa in ay samayso muuqaallo af Ingiriisi ah si ay u gaadho dad badan oo aan af-Soomaaliga ku hadlin.

Sida ay BBC-da u sheegtay, dalxiisku weli waa ganacsi curdin ah oo Soomaaliya ka jira, waxaana Muqdisho ku yar dadka xirfaddan ku shaqeeya. Waxay sheegtay in helitaanka shan dalxiise toddobaadkii loo arko guul, inkasta oo ay rajaynayso in tiradaasi mustaqbalka korodho. Wasaaradda Dalxiiska Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 10,000 oo dalxiise ay dalka booqdeen sannadkii 2024-kii, taas oo 50% ka badan tiradii sannadkii ka horreeyay.

Muqdisho ayaa sannadihii u dambeeyay samaysay isbeddel dhinaca dhismaha iyo ganacsiga ah, kaddib markii sannadkii 2011-kii kooxda Al-Shabaab laga saaray inta badan caasimadda, sannadkii xigayna la dhisay dowladda federaalka ah. Dib u soo noqoshada qurbo-joogta, ganacsatada maxalliga ah iyo maalgashadayaasha ayaa qayb ka qaatay koboca hoteellada, maqaayadaha iyo xarumaha ganacsiga, inkasta oo caqabadaha amni ay weli jiraan.

BBC-da ayaa sidoo kale soo xigatay dalxiisayaal ajaanib ah oo sheegay in waayo-aragnimadoodii Muqdisho ay ka duwanayd sawirkii ay hore uga haysteen warbaahinta caalamka. Chris Reese, oo ah Maraykan sameeya muuqaallada safarrada, ayaa sheegay in quruxda xeebaha, cuntada iyo jawiga magaalada ay ku dhiirrigeliyeen inuu mar labaad yimaaddo, isaga oo markan koox saaxiibbadiis ah wata.

Dalxiise kale oo u dhalatay Romania, Mihaela Patap, ayaa iyaduna ammaantay bilicda xeebaha iyo bacaadka Muqdisho, iyadoo sheegtay in ay la dhacday soo dhoweynta iyo diirranida dadka Soomaaliyeed. Waxay ballanqaadday in ay baraha bulshada kula wadaagi doonto waayo-aragnimadeeda, si ay dadka kale ugu dhiirrigeliso booqashada Soomaaliya.

Sucdi ayaa sheegtay in ay doonayso in dadka dunida u muujiyaan dhinaca quruxda badan ee Muqdisho, halkii ay ku ekaan lahaayeen wararka qaraxyada iyo colaadaha. Waxay aaminsan tahay in dalxiisku leeyahay fursado waaweyn oo dhaqaale iyo shaqo-abuur, balse ay Soomaaliya weli waddo dheer u jirto sidii ay uga dhigi lahayd mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Gabadh Soomaaliyeed oo dadaal ugu jirta in ay beddasho sawirka dunidu ka haysato Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip