
Madaxweyne Erdoğan oo ka walaacsan in Trump uu weerar ku qaado…
headquarters in Brussels Wednesday, July 11, 2018. NATO leaders gather in Brussels for a two-day summit to discuss Russia, Iraq and their mission in Afghanistan. (AP Photo/Markus Schreiber)
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisu uusan doonayn inuu arko mowjado cusub oo dagaal ah oo lagu qaado Iran, isagoo walaaca Ankara kala hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Erdoğan ayaa sheegay in Turkigu uu doonayo in khilaafaadka la xiriira Iran lagu xalliyo waddo diblomaasiyadeed, iyadoo laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta dagaal hor leh oo gobolka ka dhaca.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hadalkan u sheegay wariyeyaasha isagoo saarnaa diyaaradda kaddib markii uu kasoo laabtay booqasho uu ku tagay dalka Azerbaijan.
"Turkigu wuxuu xoojinayaa fursad kasta oo dhibaatooyinka lagu xallin karo iyadoo loo marayo diblomaasiyad iyo wada-hadal,” ayuu yiri Madaxweyne Erdoğan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inuu walaaca arrintan kala hadlay Donald Trump, isagoo tilmaamay in Ankara ay si dhow ula socoto jihada ay xaaladdu u socoto iyo khatarta ka dhalan karta haddii xiisadda ay sii kororto.
"Nasiib-darro, waxaan mar kale arkeynaa in xaaladdu ay u socoto dhinaca xun,” ayuu yiri Erdoğan, isagoo ka hadlayay xaaladda sii xumaanaysa ee gobolka.
Erdoğan ayaa ugu dambeyn sheegay in Turkigu uu sameynayo wax kasta oo suuragal ah si looga hortago xaaladdaas, isla markaana fursadaha diblomaasiyadda iyo wada-hadallada loo adeegsado sidii looga baaqsan lahaa dagaal hor leh oo Iran lala galo.


0 




Madaxweyne Erdoğan oo ka walaacsan in Trump uu weerar ku qaado…
.