
Sawirro: DF Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay shir-guddoonka…
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta la wareegay shir-guddoonka Kalfadhiga Caadiga ah ee 56-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar.Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku gudbiyay salaanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga Carabta iyo horumarinta wada-shaqaynta dhinaca warbaahinta.
"Annagoo ku faanayna inaan la wareegno guddoominta kalfadhigan, waxaan rajaynaynaa inaan idinkala shaqayno sii ambaqaadidda guulihii la gaaray iyo sidii mudnaanta inoo wada taalla loogu beddeli lahaa tallaabooyin wax ku ool ah oo kor u qaada warbaahinta Carabta, kana jawaaba himilooyinka shucuubteenna” ayuu yiri wasiirku.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa si gaar ah uga hadlay doorka warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska, ilaalinta madaxbannaanida, midnimada qaranka, taageeridda dib u heshiisiinta iyo la-dagaallanka fikirka argagixisada.
"Waayo-aragnimada Soomaaliya waxay xaqiijisay in warbaahintu door aasaasi ah ku leedahay dhismaha dowladnimada, ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada qaranka iyo taageeridda dib u heshiisiinta iyo nabadda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.
Wasiirka ayaa ku baaqay in la xoojiyo is-weydaarsiga khibradaha dalalka Carabta ee ka hortagga dacaayadaha argagixisada iyo marin-habaabinta, lana horumariyo tababarrada suxufiyiinta, hubinta xogta iyo badbaadada xirfadeed.
Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda horumarinta warbaahinta dijitaalka ah iyo adeegsiga garaadka macmalka ah, iyadoo la ilaalinayo kalsoonida xogta, asturnaanta iyo xuquuqda hal-abuurayaasha.
Dhanka qadiyadda Falastiin, Wasiirka ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee Soomaaliya u hayso xuquuqda shacabka Falastiin oo ay ugu horreeyaan aayo ka tashigooda iyo dhisashada dowlad madax-bannaan.
Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay mas’uuliyadda warbaahinta ee soo bandhigidda xadgudubyada, gudbinta codadka shacabka Falastiin iyo difaaca badbaadada suxufiyiinta.
Soomaaliya ayaa inta ay hayso guddoominta golaha waxay dalalka xubnaha ka ah iyo xoghaynta guud kala shaqeyn doonta dabagalka go’aannada mudnaanta leh, qeexidda tallaabooyinka lagu fulinayo iyo qiimaynta horumarka la gaaro, si iskaashiga warbaahinta Carabtu u yeesho natiijooyin la taaban karo, sida uu sheegay wasiirka.














0 


Sawirro: DF Soomaaliya oo si rasmi ah ula wareegtay shir-guddoonka…
.