Dowladda Soomaaliya oo ka digtay saameynta qalalaasaha Itoobiya ku yeelan karo amniga dalka

0
Thursday November 05, 2026 - 16:39:41 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka digtay saameynta qalalaasaha Itoobiya ku yeelan karo amniga dalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay in sii xumaanshaha xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Itoobiya uu saameyn ku yeelan karo amniga Soomaaliya, gaar ahaan howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee dalka ka socda, maaddaama Itoobiya ay ka mid tahay dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

 

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo wareysi siiyay TRT World, ayaa sheegay in xasilloonida Itoobiya ay muhiim u tahay Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in labada dal ay wadaagaan xuduudda ugu dheer ee Soomaaliya la leedahay dalalka deriska ah, isla markaana ay leeyihiin xiriir bulsho, dhaqaale iyo mid taariikheed oo soo jireen ah.

Wasiirka ayaa sheegay in qalalaase ka dhaca Itoobiya uu Soomaaliya ku yeelan karo saameyn laba dhinac ah, maadaama ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay iyaguna wajihi karaan saameynta xaaladda dalkooda, taas oo keeni karta in ciidamadaasi dib loogu celiyo Itoobiya ama ay yaraato awoodda ay ku taageerayaan howlgalka amniga Soomaaliya.

Wuxuu xusay in arrintani ay walaac gaar ah leedahay, maadaama ciidamada Itoobiya ay qayb ka yihiin dadaallada amniga ee Soomaaliya, isla markaana isbeddel ku yimaada joogitaankooda uu saameyn ku yeelan karo howlaha lagu sugayo amniga iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.

 

Dhinaca kale, Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Soomaalida Itoobiya ay si toos ah u saameyn karaan colaadaha iyo qalalaasaha dalkaas ka dhaca. Wuxuu intaas ku daray in labada dal ay isku tiirsan yihiin, isla markaana xasilloonida Soomaaliya iyo tan Itoobiya ay dano wadaag u tahay labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya oo ka digtay saameynta qalalaasaha Itoobiya ku yeelan karo amniga dalka

XIGASHO:-HIIRAAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip