Maxkamad Koonfur Afrika ku taalla oo diiday codsi Nin Soomaali ah oo doonayay in dib loogu soo celiyo aqoonsigiisii qaxootinimo

0
Thursday November 05, 2026 - 07:12:14 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 30
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Koonfur Afrika ku taalla oo diiday codsi Nin Soomaali ah oo doonayay in dib loogu soo celiyo aqoonsigiisii qaxootinimo

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Maxkamadda Sare ee Koonfur Afrika ayaa diidday codsi uu nin Soomaali ah ku doonayay in dib loogu soo celiyo aqoonsigiisii qaxootinimo, kaddib markii dowladda dalkaasi ay kala noqotay sharcigaas, iyadoo sabab uga dhigtay safar uu ku tagay magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaas oo uu muddo saddex bilood ah ku sugnaa.

 

Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cali ayaa maxkamadda ka codsaday inay buriso go’aanka Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Qaxootiga ee kala noqday aqoonsigiisa, balse garsoore Mokate Victor Noko ayaa xukun dhowaan soo baxay ku sheegay in safarkiisa Hargeysa uu muujinayo inuu si iskiis ah dib ugu adeegsaday ilaalinta dalkiisa hooyo.

Axmed oo Soomaaliya ka soo galay Koonfur Afrika sannadkii 2008-dii, kaddib markii uu sheegay inuu ka soo cararay cadaadis uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayaa isla sannadkaas helay aqoonsiga qaxootinimo. Hase yeeshee, markii dambe waxaa soo baxday in shahaado uu ku helay adeegsi la xiriira codsigiisa deggenaanshaha joogtada ah ay ahayd mid been abuur ah, taas oo keentay in codsigiisii la diido, dabadeedna la bilaabo hannaan lagula noqonayo aqoonsigiisa qaxootinimo.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa sidoo kale ogaatay in Axmed uu 2-dii Maarso 2017 u safray magaalada Hargeysa, kuna soo laabtay dalkaasi 15-kii May ee isla sannadkaas. Axmed ayaa maxkamadda u sheegay in safarkiisu ahaa mid bani'aadantinimo oo uu ugu tegay aabbihii oo aad u xanuunsanaa, kaas oo geeriyooday 13-kii May 2017, laguna aasay Hargeysa.

 

Qareenkiisa ayaa ku dooday in booqashadaasi aysan ka dhignayn inuu dib u helay ama dalbaday ilaalinta Soomaaliya, isla markaana in laga qaado aqoonsiga qaxootinimo ay ka hor imanayso mabda'a caalamiga ah ee mamnuucaya in qaxootiga dib loogu celiyo meelaha ay khatarta kala kulmi karaan.

Hase yeeshee, garsooraha ayaa sheegay in Axmed uusan sababta safarkiisa ku xusin qoraalkii uu markii hore u gudbiyay hay'adaha dowladda, balse uu arrintaas soo bandhigay markii uu maxkamadda dacwadda geeyay sannadkii 2026-ka. Wuxuu sidoo kale sheegay in muddada saddexda bilood ah aysan noqon karin booqasho gaaban oo marmar ah, isagoo xusay in Hargeysa ay ku taallo Soomaaliya, isla markaana dowladda Koonfur Afrika aysan Somaliland u aqoonsan dal madax-bannaan.

Maxkamaddu waxay intaas ku dartay in aan la hayn caddeyn muujinaysa in go'aanka lagula noqday aqoonsiga qaxootinimo uu ahaa mid eex ku dhisan, ama uu si sharci-darro ah u dhacay. Waxay sidoo kale sheegtay in dib loogu celiyo Hargeysa aysan jebinayn mabda'a caalamiga ah ee ilaalinta qaxootiga, iyadoo meeshaas ku tilmaantay mid muwaadiniinteeda ay ka heli karaan ilaalin.

Maxkamad Koonfur Afrika ku taalla oo diiday codsi Nin Soomaali ah oo doonayay in dib loogu soo celiyo aqoonsigiisii qaxootinimo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip