Xasan oo xilka ka qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare, magacaabay mid cusub

0
Wednesday November 04, 2026 - 16:50:52 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan oo xilka ka qaaday guddoomiyaha maxkamadda sare, magacaabay mid cusub

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr. Baashe Yuusuf Axmed, isaga oo jagadaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.

    Go’aanka madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu tixgeliyey cabashooyin ka yimid garsoorayaasha dalka, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadlayaasha sharciga, kuwaas oo la xiriiray baahida loo qabo hagaajinta nidaamka garsoorka, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabashooyinkaas ayaa muujinayay muhiimadda ay leedahay in dib-u-eegis lagu sameeyo howlaha hay’adaha garsoorka, si loo xaqiijiyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan adeeg garsoor oo hufan, caddaalad ah, isla markaana la isku halleyn karo.

 

Magacaabista Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa timid iyadoo madaxweynuhu uu doonayo in hoggaanka Maxkamadda Sare uu door muuqda ka qaato dib-u-habeynta iyo horumarinta nidaamka garsoorka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, isaga oo xusay masuuliyadda ka saaran hoggaaminta hay’adda ugu sarreysa garsoorka dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku adkeeyay guddoomiyaha cusub muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha garsoorka.

 

Tallaabadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshe dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo hay’adaha garsoorka dalka, kaas oo ujeedkiisu yahay in la helo garsoor hufan, madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip