Ra'iisul Wasaare Xamsa oo xilka ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya

0
Wednesday November 04, 2026 - 13:40:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Xamsa oo xilka ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalka ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada, kuwaas oo ka kala tirsanaa Wasaaradaha Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta iyo Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Wareegto uu saxiixay Ra’iisul Wasaaruhu maanta oo Arbaco ah, 4-ta Nofeembar 2026, ayaa lagu sheegay in xilalka laga qaaday Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Saciid Maxamed Maxamuud, iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Fartuun Cabdiqaadir Faarax.

Go’aanka xil-ka-qaadista ayaa lagu sheegay inuu ku salaysan yahay qodobbada 120-aad, farqaddiisa labaad, iyo 117-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale Xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada iyo shuruucda dalka.

Sida lagu sheegay wareegtada, tallaabadan ayaa la xiriirta hannaanka daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo dowlad-wanaagga, iyadoo sidoo kale la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay ilaalinta habsami u socodka howlaha labada wasaaradood.

Xil-ka-qaadista ayaa dhaqan gashay kaddib markii uu saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, lama shaacin sababaha xubnahaan uu Ra'iisul wasaaraha xilka uga qaaday.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xilka ka qaaday laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip