
Jaamac oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay golaha qaranka ee Jabuuti
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyey Golaha Qaranka ee dalkaas, taas oo uu kaga hadlay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.
Khudbaddiisa ayuu ku bilaabay farriin xambaarsan walaaltinimo, mahadnaq iyo qaddarin, isaga oo ku hadlayey magaca shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti uu yahay mid soo jireen ah oo ku dhisan dhalasho-wadaag, dhiig-wadaag, af, dhaqan iyo taariikh mideysa labada shacab.
Guddoomiye Jaamac ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba illoobi doonin taageerada hagar-la’aanta ah ee Jabuuti ay u fidisay Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa ee dalka uu ku jiray dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dowladnimada.
Waxa uu si gaar ah u xusay doorkii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu ka qaatay dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, gaar ahaan Shirkii Nabadda ee Carta iyo dadaalladii dib loogu soo celinayey dowladnimada dalka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey mowqifka joogtada ah ee Madaxweyne Geelle ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ammaanay kaalinta ciidamada Jabuuti ee Hiil-walaal ay ka qaateen nabadeynta iyo la-dagaallanka argagixisada gudaha Soomaaliya.
Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyey in abaalka Jabuuti ay u gashay Soomaaliya uusan marnaba ka go’i doonin qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, isla markaana jiilba jiil loo gudbin doono.
Waxa uu sidoo kale muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada baarlamaan, is-weydaarsiga khibradaha, horumarinta hay’adaha sharci-dejinta iyo diblomaasiyadda baarlamaaniga ah.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Jaamac ayaa khudbaddiisa ku soo xiray adkeynta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, isaga oo labada dal ku tilmaamay kuwo mataano ah oo wadaaga dhiig, dhalasho iyo taariikh, isla markaana ay ka dhexeeyaan xiriir aan sahal ku go’i karin.


















0 



Jaamac oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay golaha qaranka ee Jabuuti
.