Kaddib maxkamadeyn bishii Ogosto ka dhacday Maxkamadda Winchester Crown, ayaa Maxamed lagu helay dambiga ah inuu u diyaar-garoobay falal argagixisanimo.
Garsooraha xukunka riday, Mr Justice Lickley, ayaa Isniintii Maxamed ku yiri: "Waxaad sameysay wax kasta oo aad awoodday si aad ugu biirto Daacish, waxaana kaa hor istaagay arrimo ka baxsan awooddaada.”
Xagjirnimada internet-ka iyo "AI Bots”
Xubnaha xeer-beegtida ayaa loo sheegay in Maxamed uu sannadkii 2024-kii xagjir ku noqday muuqaallo mayal-adag oo uu si joogto ah uga daawan jiray baraha bulshada ee YouTube iyo TikT
Maxamed, oo sannadkii 2017-kii u soo guuray UK si uu ugu biiro qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa, ayaa xiriir la yeeshay barnaamijyada ku shaqeeya sirdoonka macmalka ah (AI bots) oo ay Daacish u adeegsato kala shaandheynta dadka cusub ee doonaya inay kooxda ku biiraan.
Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu helay wada-sheekeysi dhanka Telegram-ka ah oo uu kaga codsaday in laga caawiyo sidii uu ugu safri lahaa Soomaaliya si uu ugu biiro "Mujaahidiinta”, isagoo fariin ku caddeeyay in himiladiisa koowaad ay tahay inuu "shahiido”.
Xeer-ilaaliye Naomi Parsons ayaa maxkamadda u sheegtay in markii uu Maxamed gaaray Soomaaliya uu awoodi waayay inuu gaaro dagaalyahannada maadaama colaaddu ay aad u xoogganayd.Xogtii laga helay taleefanka Maxamed
Booliska la-dagaallanka argagixisada ee UK ayaa Maxamed xiray sannad kaddib markii uu dalka ku soo laabtay. Xogta laga helay taleefankiisa gacanta ayaa muujisay inuu ku sugnaa meelo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Maarso 2025.
Taleefanka ayaa sidoo kale laga helay muuqaallo borobogaando u ah kooxda Daacish oo muujinaya qoor-goyn, dilal toogasho iyo goobo dagaal, iyo farriimo uu diray markii uu dalka dib ugu soo laabtay oo uu ku sheegayay inuu weli doonayo inuu naftiisa u huro "jihaad”. Waxaa intaas dheer inuu xiriir la lahaa dadkii dagaal-yahannada u qorayay kooxda, isagoo ku yiri: "Waqti kasta oo aad hadalka dhahdaan, waan soo laabanayaa.”
Maxkamadda ayaa sidoo kale loo sheegay in kooxda Daacish ay u soo bandhigtay inuu basaas ahaan ugu shaqeeyo, balse uu diiday isagoo ka baqay in xiriirka qoyskiisa Soomaaliyeed awgeed si fudud loo aqoonsan karo.
Difaaca qareenka iyo go’aanka garsooraha
Garsoore Justice Lickley ayaa xusay in aysan caddayn howshii loo xilsaari lahaa haddii uu aagga dagaalka gaari lahaa, isagoo ku raacay xeer-ilaalinta in aagga colaadda ee Soomaaliya uu ahaa "aag dil”, qof kasta oo cusubna uu filan karay fursad sare oo dhimasho ah.
Dhanka difaaca, qareen Dominic Thomas ayaa sheegay in inkasta oo Maxamed uu sameeyay hadallo nacasnimo ah oo aan wanaagsanayn tan iyo markii uu UK ku laabtay, haddana uusan wax isku day ah u sameynin inuu dib ugu laabto Soomaaliya.
Qareenka ayaa xusay in Maxamed uu u tagay halkaas inuu dagaallamo oo uu dhinto, balse xilligaas ay Daacish maalin kasta luminaysay saldhigyo iyo dhulal badan, uuna hadda dib ka garwaaqsaday khaladkii ku jiray qorshihiisa, gaar ahaan maadaama qoyskiisu ay guud ahaan ka soo horjeedaan kooxdaas.
Maxamed Maxamuud, oo ku labisnaa dhar nooca tababarka ah oo buluug ah (blue tracksuit) isla markaana aan wax shucuur ah muujin intii dacwaddiisu socotay, ayaa garsooruhu ku adkeeyay in ilaa iyo inta uu ka beddelayo "caqiidadiisa xagjirka ah” uu weli halis weyn ku yahay bulshada, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah.




0 


UK oo 12 sano ku xukuntay Maxamed Maxamuud kadib markii uu Somalia usoo aaday…
.