Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Marka

0
Sunday October 18, 2026 - 14:42:45 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Marka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka isku magacaabay Koonfur Bari iyo ciidan uu hoggaaminayay Xuseen Geeley, oo la sheegay inuu ka tirsanaa garabka Koonfur Galbeed.

 

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in isku dhaca uu sababay dhimashada laba qof oo dhinacyada iska soo horjeeday ka kala tirsanaa.
Dhinaca maamulka Koonfur Bari, waxaa la sheegay inuu dagaalka ku dhintay Xasan Cadiimole, oo lagu sheegay inuu ahaa taliyaha madaxtooyada maamulkaas.
     Dhanka ciidanka uu hoggaaminayay Xuseen Geeley, waxaa la soo wariyay inuu ku dhintay nin magaciisa lagu soo koobay Aweys Kalafoow.

 

Wararka laga helayo magaalada ayaa tilmaamaya in isku dhacu uu ahaa mid kooban, iyadoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta buuxda ee khasaaraha iyo sida uu dagaalku ku billowday.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip