
Xasan Sheekh oo beeniyay warar laga faafiyey xarunta TURKSOM ee Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in xarunta TURKSOM ee Muqdisho ay tahay saldhig ciidan oo ay Turkigu leeyihiin, isaga oo ku tilmaamay sheegashadaas "dacaayad aan sal lahayn”.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in TURKSOM ay tahay xarun loogu talagalay tababarka ciidamada Soomaaliya, isla markaana aanu jirin saldhig militari oo Turkigu halkaas ka leeyahay.
"Waxaa jira xarun tababar. Goobtaas waa xarun tababar, laakiin ma joogaan ciidamo Turkish ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
"Dacaayadda la faafiyay waxay leedahay waxaa halkaas ku yaalla saldhig, oo ah saldhiggii ugu horreeyay ee Turkigu ku yeesho dibadda. Taasi run ma aha.”
TURKSOM waxaa Muqdisho laga furay sanadkii 2017, waxaana tan iyo markaas lagu tababaray kumannaan askari iyo saraakiil Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan ciidamada kumaandooska Gorgor.
Inkasta oo warbaahinta caalamka iyo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ay xarunta ku tilmaamaan saldhig militari oo Turkish ah, dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay inta badan ugu yeeraan xarun ama akademi tababar ciidan.
Turkiga ayaa haddana Soomaaliya ku leh saraakiil iyo ciidan ka shaqeeya tababar, la-talin iyo taageero dhinaca amniga ah.
Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale horay u sheegtay in ay Soomaaliya ku leedahay "joogitaan militari iyo hawlo tababar”, kuwaas oo ay ku taageerto dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Xarunta TURKSOM ee Muqdisho
TURKSOM ayaa noqotay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee lagu tababaro ciidamada Soomaaliya tan iyo markii la furay bishii September 2017.
Xarunta ayaa markii la furayay lagu tilmaamay akademiga tababarka militariga ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda, iyadoo awood u leh in hal mar lagu tababaro in ka badan 1,500 oo askari.
Ciidamo badan oo Soomaaliyeed ayaa halkaas iyo gudaha Turkiga ku qaatay tababaro kala duwan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii Luulyo ka qeyb galay munaasabad tababar loogu soo xirayay saraakiil iyo saraakiil-xigeenno ka qalin-jabiyay TURKSOM, isaga oo ku tilmaamay kuwa mustaqbalka hoggaamin doona Ciidanka Xoogga Dalka.
Bishii September, wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay wafdi militari oo Turki ah oo uu hoggaaminayay Major General Sabahattin Kalkan, oo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay taliyaha Akademiga Tababarka Militariga TURKSOM.
Wafdigaas waxaa ka mid ahaa saraakiisha dhinacyada ciidanka dhulka, badda iyo cirka ee Turkiga, waxaana kulankooda diiradda lagu saaray tababarka iyo xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna horay xarunta ugu tilmaamay "xarunta tababarka militariga TURKSOM”.
Joogitaanka militari ee Turkiga
Inkasta oo Xasan Sheekh uu diiday in TURKSOM loo aqoonsado saldhig ciidan oo Turki ah, haddana doorka militari ee Ankara ee Soomaaliya kuma koobna oo keliya xaruntaas.
Baarlamaanka Turkiga ayaa bishii Luulyo kordhiyay joogitaanka ciidamada Turkiga ee Soomaaliya muddo laba sano ah, taas oo ka dhigaysa in ay sii joogaan ilaa Luulyo 2028.
Oggolaanshahaas ayaa siinaya ciidamada Turkiga awood ay ku taageeraan Soomaaliya dhinacyada la-dagaallanka argagixisada iyo khataraha kale ee amniga.
Waxa kale oo uu daboolayaa taageerada la xiriirta burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, tahriibka iyo ilaalinta biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale awood u leh inuu go’aamiyo tirada, goobta iyo baaxadda ciidamada Turkiga ee la geeyo Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi difaac iyo dhaqaale oo soconaya 10 sano, kaas oo Ankara siinaya door weyn oo ku saabsan dhismaha awoodda ciidamada badda Soomaaliya iyo ilaalinta xeebaha dalka.
Xasan Sheekh ayaa hadalka TURKSOM ku daray isaga oo sharaxayay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu ku tilmaamay mid "aad u istiraatiiji ah”.
Waxa uu xiriirka labada dal dib ugu celiyay booqashadii Erdogan uu Muqdisho ku yimid sanadkii 2011, xilli dalka ay ka jirtay abaar daran iyo xaalad amni oo aad u liidatay.
Booqashadaas kadib, Turkiga ayaa si weyn ugu lug yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga.
"Turkigu wuxuu yimid oo maalgeliyay garoonka Muqdisho iyo dekedda Muqdisho, haddana wuxuu galay shidaalka iyo gaaska markii ugu horreysay taariikhdeena,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Turkiga ayaa maanta ka mid ah dalalka ugu dhow Soomaaliya dhinaca amniga, waxaana uu tababaraa ciidamo Soomaaliyeed, siiyaa qalab militari iyo la-talin, halka iskaashiga labada dal uu ku fiday dhinacyada badda, tamarta iyo shidaal baarista.
Xasan Sheekh ma uusan diidin in ciidamo iyo saraakiil Turki ah ay Soomaaliya joogaan iyadoo ay jiraan heshiisyo rasmi ah oo labada dowladood u dhexeeya.
Hase yeeshee, waxa uu si gaar ah u diiday in xarunta TURKSOM lafteeda lagu tilmaamo saldhig militari oo Turkigu leeyahay, isaga oo ku adkeystay in shaqadeedu tahay tababarka ciidamada Soomaaliya.


0 




Xasan Sheekh oo beeniyay warar laga faafiyey xarunta TURKSOM ee Muqdisho
.