Barack Obama oo garab istaag wayn u muujiyay Ilhan Omar

0
Sunday October 18, 2026 - 20:00:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 64
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barack Obama oo garab istaag wayn u muujiyay Ilhan Omar

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama ayaa garab istaag buuxa u muujiyay Xildhibaan Ilhan Omar oo ay haatan si wayn isku hayaan Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump, isaga oo ka digay in tallaabooyinka lagu beegsanayo siyaasiyiinta aragtida ka duwan maamulka ay mustaqbalka horseedi karaan in awoodda dowladda loo adeegsado loollanka siyaasadeed.

 

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyay inuu cadaadis siyaasadeed ku hayo Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kaddib markii hay’adaha federaalka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen gurigeeda, isla markaana ay la wareegeen taleefankeeda iyo dukumentiyo gaar ah.

Obama oo si kulul uga hadlay dhacdooyinkan ayaa ka digay in ficillada noocan ah ay mustaqbalka caadi ka noqon karaan siyaasadda Mareykanka, isla markaana ay u gogol xaari karaan in madaxda dambe ay cadaadis ku saaraan siyaasiyiinta ay isku aragtida duwan yihiin.

 

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in haddii tallaabada Trump ee ka dhanka ah Ilhan loo arko mid caadi ah, aysan jirin wax dammaanad qaadaya in aan isla habkaas loo adeegsan doonin siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah.

"Haddii weerarka Trump ee Ilhaan noqdo wax caadi ah, ma jirto wax dammaanad qaadaya inay ku ekaan doonto iyada oo keliya. Madaxweynaha soo socda habkan waxa uu ku bartilmaameedsan doonaa dadka ay siyaasadda isku khilaafsan yihiin,” ayuu yiri Obama.

Ilhan Omar, oo 44 jir ah, ayaa marar badan beenisay eedeymaha la xiriira khiyaano dhanka socdaalka ah, iyadoo ku tilmaantay weerarro siyaasadeed oo uu gadaal ka riixayo madaxweyne Trump.

 

 

Ilaa hadda wax dacwad dambiyeed ah laguma soo oogin xildhibaannadda, sidoo kalena hay’adaha baaritaanka ma soo bandhigin caddeymo dadweyne oo muujinaya inay dembi gashay.

Si kastaba, ha’ahaatee, Warbixintan cusub ayaa timid laba maalmood kaddib markii ciidamada federaalka Mareykanka ay baaritaan ku sameeyeen guriga Ilhaan Cumar ay ku leedahay magaalada Washington, halkaas oo ay Isniintii galeen saraakiil ka tirsan waaxda baarista dambiyada ee Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (HSI).

Xiisaddan ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa xilli Mareykanku isu diyaarinayo doorashooyinka dhexe ee Kongareeska, oo dhacaya 3-da November, kuwaas oo Ilhaan ay ku dooneyso inay markii shanaad kursigeeda ku difaacato.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip