Maxkamadda Ciidamada oo askari dil toogasho ah ku xukuntay

0
Saturday October 03, 2026 - 10:17:19 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo askari dil toogasho ah ku xukuntay

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
    Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday Ex-Dable Boolis Nuur Ibraahim Sahal, ka dib markii lagu helay inuu si kas ah u dilay saaxiibkiis oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidanka Booliska.

    Eedeysanaha ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta dilka Marxuum Ex-Dable Boolis Liibaan Nuux Sooc, oo ay labadooduba ka wada tirsanaayeen laanta ilaalada canshuuraha ee Booliska.

Sida lagu sheegay faahfaahinta kiiska, dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Xamar Jajab 12-kii July 2026, kaddib muran ka dhashay ciyaar turub ah oo ay askartu wada ciyaarayeen.

 

Maxkamadda ayaa lagu sheegay in Nuur Ibraahim Sahal uu ka carooday kadib markii loo diiday inuu ciyaarta turubka ka qeybqaato, iyadoo loo arkay inuusan aqoon fiican u lahayn ciyaarta. Xaaladda ayaa markii dambe isku beddeshay muran iyo hadallo kulul.

Sida dacwadda lagu soo bandhigay, eedeysanaha ayaa qaatay qori nooca AK-47 ah, waxaana murankii uu ugu dambeyn sababay in rasaas la is weydaarsado, taas oo keentay geerida Liibaan Nuux Sooc.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan dheer kadib codsaday in kiiska maxkamaddu qaaddo, waxaana codsigaas la oggolaaday 1-dii October 2026.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, si loo dhageysto eedeymaha iyo difaacyada la xiriira kiiska.

Ugu dambeyn, maxkamaddu waxay Ex-Dable Boolis Nuur Ibraahim Sahal ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Liibaan Nuux Sooc.

Xukunka ayaa warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip