Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in Xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

0
Wednesday September 30, 2026 - 13:43:45 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in Xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Bahda Saxaafadda Somaliland ayaa sheegtay in Wasaaradda Warfaafintu aanay awood sharci u lahayn inay hor istaagto shir ay saxafiyiintu dhawaan ku qabanayaan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kaas oo ay ku tilmaameen shir ay kaga tashanayaan aayahooda iyo xaaladda saxaafadda.

 

Bahda Saxaafadda ayaa sheegtay in qabanqaabada shirka ay sidii loogu talogalay u socoto, isla markaana hadalka Wasaaradda Warfaafinta aanu waxba ka beddelayn qorshaha lagu qabanayo shirka.

"Shirkaasi sidii loogu talogalay ayuu u soconayaa, guddida qabanqaabaduna hawshooda ayay wadanayaan, waxaana lagu qabanayaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Waanu dhacayaa shirkaasi,” ayay yidhaahdeen.

Waxay sidoo kale sheegeen in Wasaaradda Warfaafintu aanay sharci ahaan awood u lahayn inay joojiso shir ay leeyihiin bahda saxaafadda, iyaga oo xusay in markii ay dib u eegeen xeerarka iyo Dastuurka Somaliland aanay ka helin qodob Wasaaradda siinaya awood ay ku hor istaagto shirka.

"Wasaaradda Warfaafintu xaq uma laha inay joojiso shir aayo-ka-tashi oo ay saxaafaddu leedahay. Wasaaradda lagala tashan maayo, waayo markii aanu eegnay xeerarka iyo Dastuurka meel ay Wasaaraddu kasoo gashay ma jirto,” ayay sheegeen.

 

Shirkan ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Boorama, waxaana qabanqaabadiisa wada guddiga loo xilsaaray diyaarinta shirka. Bahda Saxaafadda Somaliland ayaa sheegtay in ujeeddada shirku tahay in saxafiyiintu ka wada tashadaan xaaladda saxaafadda, caqabadaha horyaalla iyo jihada mustaqbalka ee mihnadda.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdisalaan Ilkacase, uu sheegay in shirka aanu haysan oggolaanshaha Wasaaradda, isla markaana aanu ahayn shir ay Wasaaraddu ogtahay.

Hase yeeshee, bahda saxaafadda ayaa ku adkaysanaysa in shirka la qaban doono, iyaga oo sheegay in qabanqaabadiisu sii socoto, isla markaana aanay jirin wax sharci ah oo Wasaaradda Warfaafinta siinaya awood ay ku joojiso.

Bahda Saxaafadda Somaliland oo sheegtay in Xukuumaddu aanay awood u lahayn inay hor istaagto shirka Boorama




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip