CXDS oo howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay degmada Berdaale

0
Wednesday May 20, 2026 - 10:48:50 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CXDS oo howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka fuliyay degmada Berdaale

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka fuliyay gudaha iyo hareeraha degmada Berdaale ee gobolka Bay, iyadoo la xoojinayo sugidda amniga doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ilaalinayo shacabka, lagagana hortagayo khataraha kaga imaan kara kooxda Khawaarijta, xilli uu socdo diyaar garowga doorashooyinka maamulka.

Adkeynta amniga ayaa ku soo beegantay kadib markii 13 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed ay toddobaadkii hore si guul leh uga dhaceen doorashooyinka goleyaasha deegaanka, kuwaas oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadda.

Sidoo kale, magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka socda diyaar garowga doorashada madaxtinimada, iyadoo la filayo in ay qabsoonto dhammaadka bishan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhankiisa sheegay in hay’adaha amniga iyo maamulka ay si dhow isaga kaashanayaan xaqiijinta doorasho nabdoon oo xasilloon.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip