Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo Garowe wada hadal kula yeeshay madaxweynaha Puntland

0
Wednesday May 20, 2026 - 14:37:39 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo Garowe wada hadal kula yeeshay madaxweynaha Puntland

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayay Ku-xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna wehliyeen saraakiil ka tirsan Taliska AFRICOM oo uu ka mid yahay Col. Shane Jones, ayaa maanta kulan Garowe kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Ku-xigeenkiisa Ilyaas Lugatoor.

 

War-saxafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, waxaa lagu sheegay in kulank si qoto dheer diiradda loogu saaray xaaladda amniga iyo siyaasadda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan iskaashiga amni ee Puntland iyo Mareykanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, maalgashiga, iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland sida macdanta, kalluumeysiga iyo shidaalka.

Sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland, Waxaa sidoo kale kulanka lagu xusay muhiimadda marxaladda kala guurka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saameynta ay ku leedahay guud ahaan dalka.

Safiirka Mareykanka ayaa la sheegay inuu bogaadiyay hawlgallada ciidamada Puntland ay ka wadaan buuraleyda Calmiskaad iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Daacish.

 

Mareykanka ayaa u ballanqaaday Puntland in ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu wadaa inay dhankeeda warbixin ka soo saarto kulanka ay la yeesheen madaxda maamulka Puntland.

Kulankaan ayaa wuxuu ku soo aaday xilli beesha caalamka aad uga niyabtay wada hadaladii burburay ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, iyadoo ku baaqday in la sii wado wada xaajoodka, si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada iyo muranla dastuurka.

Wafdi ka socda Dowladda Mareykanka oo Garowe wada hadal kula yeeshay madaxweynaha Puntland

XIGASHO:-HIIRAAN.COM

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip