Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanaadka Qaranka ee dugsiga sare

0
Wednesday May 20, 2026 - 17:28:30 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanaadka Qaranka ee dugsiga sare

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay jadwalka imtixaanaadka qaran ee dugsiyada sare ee sannadka 2025-ka, kuwaas oo laga qaadi doono ardayda dhigata dugsiyada sare ee dalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in imtixaanaadka kama dambaysta ah ay ardaydu u fariisan doonaan inta u dhaxaysa 20-ka illaa 25-ka Juun.

Ku dhowaead 40,000 oo arday oo ka kala socda dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa sanadkan ka qeyb geli doona imtixaanaadka qaranka.

Wasaaradda ayaa xustay in imtixaanaadka qaranku yahay tallaabo muhiim u ah xoojinta nidaamka waxbarashada Soomaaliya iyo hubinta hannaan midysan oo lagu qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardayda dalka oo dhan.

Sanadkii hore, tirada ardayda u fariisatay imtixaanaadka qaranka ee dugsiyada sare ayaa gaartay 38,471 arday.

Dhanka kale, jadwalka imtixaanaadka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee gobolka Banaadir ayaa la geli doonaa inta u dhaxaysa 15-ka illaa 18-ka Juun.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanaadka Qaranka ee dugsiga sare

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanaadka Qaranka ee dugsiga sare

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip