Soomaaliya oo koronto raqiis ah ka soo dhoofsaneysa Itoobiya – Sidee?

0
Wednesday May 20, 2026 - 13:29:31 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 50
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo koronto raqiis ah ka soo dhoofsaneysa Itoobiya – Sidee?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorshe ay koronto uga soo dhoofsanayso dalka Itoobiya, taasi oo soo mari doonta seddex magaalo muhiimka ah ee xadka ku yaalla.

 

Wasiirka Tamarka iyo Kheyraadka biyaha C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay inay dowladdu rajo wanaagsan ka qabto in qorshahaani uu noqon doono mid Soomaaliya ay ku heli doonto koronto qiimaheedu hooseeyo oo noqon doona halkii kilowatt $5 cent, taas oo si weyn uga hoosaysa qiimaha korontada ee hadda laga bixiyo Soomaaliya.

Wasiir Bidhaan ayaa intaa raaciyay in koronta laga keenayo Itoobiya lasoo marsiin doono deegaanada xuduudaha Doolow, Wajaale, iyo Goldogob, isagoo qiray in mar hore la dhameeyay labo meelood oo korontada soo mareyso.

 

 

Bankiga Adduunka oo qorshahaan taageerayo wuxuu qirsan yahay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada qiimaha korontada ee ugu qaalisan qaaradda Afrika, iyadoo magaalooyinka qaar ay qiimuhu u dhaxeeyaan 60 ilaa 100 cent halkii kilowatt.

Dalka Itoobiya ayaa dhaliya wax ka badan 6,000 oo megawatt oo koronto ah, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya iyo xogta Bankiga Horumarinta Afrika, iyadoo inta badan tamartaas laga dhaliyo mashaariicda biyaha ee mashruuca biyo xireenka Weyn ee Itoobiya Grand Ethiopian Renaissance Dam (Gerd).

Waddamada Geeska Afrika ayaa muddooyinkii dambe sii kordhiyey mashaariicda isku-xirka korontada gobolka, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in lagu ballaariyo helitaanka korontada iyo in la dhimmo kharashka tamarta ee suuqyada isku xiran.

 

 

Tallaabadan ayaa ah dhabbo weyn oo loo qaaday dhanka xallinta koronto la’aanta baahsan ee ka jirta dalka iyo xoojinta iskaashiga gobolka iyo dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo helitaanka tamarta iyo xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya labada waddan ee Geeska Afrika.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip