UK oo xaqiijisay taageerada Amniga Soomaaliya Kadib Kulan ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday May 20, 2026 - 11:34:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UK oo xaqiijisay taageerada Amniga Soomaaliya Kadib Kulan ka dhacay Muqdisho

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.
Dowladda Ingiriiska ayaa markale muujisay taageeradeeda ku aaddan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King, ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS, Qurat ul-Ain Sadozai.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada ay UNSOS siiso howlgalka AUSSOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga dalka.

Dowladda UK ayaa UNSOS uga mahadcelisay doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay taageerada howlaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya, waxayna caddeysay inay sii wadeyso wada shaqeynta ay la leedahay bahwadaagta caalamiga ah si Soomaaliya u gaarto nabad iyo amni waara.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip