
Maxaa ka soo baxay kulankii Xalane ku dhexmaray DF iyo Mucaaradka?.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo cabashooyinka ku saabsan xorriyadda hadalka.
Mucaaradka ayaa kulanka ku soo bandhigay walaac xooggan oo ay ka qabaan dadka loo xirayo aragtidooda siyaasadeed iyo dhallinyarada dowladda dhaliisha, iyagoo ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor imaanaysa xorriyadda hadalka iyo xuquuqda muwaadiniinta. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in safiirrada reer galbeedka ay muujiyeen taageero ku aaddan in la ilaaliyo xorriyadaha siyaasadeed iyo tan hadalka.
Sidoo kale, dhinacyadu waxay si adag isku mari waayeen nooca doorasho ee dalka lagu geli doono. Dowladda Federaalka ayaa ku adkaysatay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay ku doodeen in loo baahan yahay hannaan doorasho oo lagu heshiiyo si looga fogaado khilaaf siyaasadeed iyo xasillooni darro.
Wararka laga helayo kulanka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu soo jeediyay in la magacaabo guddi farsamo oo sii ambaqaada wada-hadallada, balse wakiillada mucaaradka ayaa ka horyimid soo jeedintaasi, iyagoo ku tilmaamay "xeelad waqti lagu luminayo” maadaama aan weli heshiis laga gaarin qodobka ugu weyn ee la isku hayo oo ah hannaanka doorashada.
Kulanka ayaa ugu dambeyn ku soo dhammaaday is-afgarad la’aan, hase yeeshee dhinacyadu waxay isku raaceen in dib la isugu soo laabto wadahadallada kadib marka ay la tashiyo la soo sameeyaan dhinacyada ay matalayaan.


0 




Maxaa ka soo baxay kulankii Xalane ku dhexmaray DF iyo Mucaaradka?.
.