Shiinaha oo Ballanqaaday Qalab Casri ah oo Lagu Taageerayo Xabsiyada Soomaaliya

0
Wednesday April 29, 2026 - 11:26:28 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo Ballanqaaday Qalab Casri ah oo Lagu Taageerayo Xabsiyada Soomaaliya

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay inay taageero qalabeyn ah siinayso xarumaha asluubta iyo xabsiyada ku yaalla Soomaaliya, kaddib kulan dhexmaray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

 

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Guud Maxamed Sheekh Xasan Xamuud iyo Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wang Yu.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan sidii Dowladda Shiinaha uga qeyb qaadan lahayd casriyeynta iyo horumarinta hay’adaha asluubta Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu uu bixin doono qalab casri ah oo lagu horumarinayo ammaanka xabsiyada iyo adeegyada ay bixiyaan xarumaha lagu hayo maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowladda.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ugu dambeyn isku raacay in la dedejiyo hirgelinta qodobadii laga wada hadlay, si loo gaaro horumar muuqda oo laga sameeyo xarumaha asluubta dalka.

Shiinaha oo Ballanqaaday Qalab Casri ah oo Lagu Taageerayo Xabsiyada Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip