Xubno badan oo Shabaab ah oo maanta lagu dilay howl-gal ka dhacay… April 29, 2026

0
Wednesday April 29, 2026 - 13:38:40 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 60
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno badan oo Shabaab ah oo maanta lagu dilay howl-gal ka dhacay… April 29, 2026

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ay 72-dii saac ee la soo dhaafay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Hawlgalkan ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Hawlgalku wuxuu isugu jiray dagaal toos ah iyo duqeyn, taas oo si weyn u wiiqday awooddii kooxdan.

Goobaha uu hawlgalku ka dhacay waxaa ka mid ahaa deegaannada Buulo Cabdalla, oo u dhexeeya Mubaarak iyo Uguni.

 

 

Intii uu socday hawlgalku, waxaa lagu dilay 22 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyay in uu ka mid ahaa dadka la dilay horjooge lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Jeeri, oo caan ku ahaa dhibaateynta dadka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan hawlgallada noocan oo kale ah, iyagoo uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka taageerada ay siiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada amni ee ay ka wadaan gobollada dalka, xilli ay dowladdu dooneyso inay qabato doorashooyin qof iyo cod ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda adkaysay muhiimadda ay leedahay sugidda amniga guud ee dalka, iyadoo sheegtay inay dadaal xooggan ku bixinayso sidii looga hortagi lahaa weerarrada Al-Shabaab, loona xaqiijin lahaa xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobollada dalka.

Hard-line Islamist Al Shabab fighters conduct military exercise in northern Mogadishu's Suqaholaha neighborhood, Somalia, Sunday Sept. 5, 2010. The group's senior officials said the young fighters have recently completed training to join what they said to be a global war against the enemy of Allah. (AP Photo/ Farah Abdi Warsameh)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip