
Cabdi Xaashi oo ku eedeeyay hay'adaha dowladda inay ku guuldaraysteen inay ku dhaqmaan sharuucda dalka
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay inuu si cad u muujin doono mowqifkiisa siyaasadeed kaddib muddo uu ka maqnaa fagaaraha siyaasadda, xilli ay taagan tahay muran ku saabsan doorashooyinka iyo dhammaadka waqtiga xilka madaxweynaha oo soo dhow.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in maqnaanshihiisa uu la xiriiray xaalad caafimaad, balse hadda wixii ka dambeeya uu si joogto ah uga qayb geli doono kulamada siyaasadda si uu u caddeeyo aragtidiisa ku aaddan jihada siyaasadeed ee dalka.
Wuxuu sidoo kale dhaliil adag u jeediyay nidaamka dowladeed, isagoo sheegay in hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ku guul-darreysteen inay u hoggaansamaan shuruucda jira.
"Dowladdu waa inay sharciga fulisaa, laakiin annaga lafteennu waa dowladdii, haddana sharciga ma raacno,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaan la maqal warkiisa tan iyo markii xiisadaha siyaasadeed ay cirka isku shareereen horraantii sanadkan, kuwaas oo la xiriira doorashooyinka iyo isbeddello dastuur oo muran dhaliyay oo ay wado dowladda Soomaaliya.
Cabdi Xaashi ayaa hore uga soo horjeestay muddo kordhin loo sameeyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii lagu jiray khilaafkii doorashooyinka ee 2021.
Lama oga inuu qaadan doono mowqif la mid ah xilligan oo dalka uu wajahayo marxalad kale oo xasaasi ah.
Soo laabashadiisa fagaaraha siyaasadda waxay kusoo beegmaysaa iyadoo Soomaaliya ay wajahayo hubanti la’aan cusub oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo nidaamka dowladnimada, iyadoo xoogag siyaasadeed oo iska soo horjeeda ay mar kale isku haya habraaca iyo sharciyadda.


0 




Cabdi Xaashi oo ku eedeeyay hay'adaha dowladda inay ku guuldaraysteen inay ku dhaqmaan sharuucda dalka
.