
Madaxda Mali oo la la'yahay kadib weerarkii ka dhacay wadankaasi.
Madaxii dowladda milatariga ee dalka Mali iyo qaar ka mid ah taliyeyaasha ugu sarreeya dalkaas ayaan wax war ah laga maqal tan iyo weerarradii ay fuliyeen kooxda Al-Qaacida iyo kooxda gooni u goosadka ah oo ka dhacay dalkaas.
Tani waxay dhalisay warar sheegaya in madaxweynaha la dhaawacay, ama laga yaabo in laga saaray dalka.
Waxa kale oo jira warar ku saabsan loollan awoodeed oo dalka ka dhex jira, iyadoo la rumeysan yahay in la isku dayayo in lagu beddelo General Malick Diaw oo laga dhigo madaxweyne ku meel-gaar ah , sida uu sheegay wargeyska madaxa-bannaan ee Nouvel Horizon.
Ururka Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin, ayaa hoggaamiyay weerarro lagu qaaday saldhigyo milatari oo ku yaal Bamako, kuwaas oo lagu dilay wasiirkii difaaca dalka, t General Sadio Camara.
Mas’uuliyiinta aan war iyo wacaal laga hayn waxaa ka mid ah Madaxweynaha, General Assimi Goïta, La-taliyaha Amniga Madaxweynaha, General Modibo Kone, Wasiirka SAmniga, General Ismael Wagué, iyo kuwo kale.


0 



Madaxda Mali oo la la'yahay kadib weerarkii ka dhacay wadankaasi.
.