
Mareykanka iyo Iran oo lagu eedeeyay inay halis gelinayaan nolosha 20 kun oo badmaaxiin ah
Xoghayaha Guud ee Hay’adda Badaha Caalamiga ah (IMO), Arsenio Dominguez ayaa sheegay in xiisadda Mareykanka iyo Iran ay halis gelineyso nolosha 20,000 oo badmaaxayaal ah, kuwaas oo uu sheegay inay ku xaniban yihiin Gacanka Faaris (Fars) iyo agagaarka marin biyoodka Hormuz.
Marinka Hormuz oo dhaca afka ciriiriga ee Gacanka Faaris ayaa waxaa ka jirta xaalad hubinti la’aan ah, ka dib markii Mareykanku uu 13-kii bishan uu go’doomiyay Dekedaha Iran, taas oo keentay in Tehran ay iyaduna si guud u xanibto isu socodkii maraakiibta shixnadaha saliidda ee Hormuz. Ka hor inta aanu Mareykanku xanibaadda saarin Dekedaha Iran ayaa waxaa Hormuz ka jiray wa-xoogaa dhaqdhaqaaq ah, iyadoo Iraaniyiintu ay sii deynayeen maraakiibta bixisa lacagaha canshuuraha ee lagu soo rogay inay bixiyaan. Mareykanka ayaana ka digay in uu tallaabo adag ka qaadi doono markab kasta oo Iran siiya lacago sharci darro ah.
Arsenio Dominguez ayaa maanta sheegay in ku dhawaad laba kun oo markab ay wadar ahaan ku xaniban yihiin aagga ay xiisadda ka jirto, isagoona tilmaamay inay la socdaan labaatan kun oo shaqaale.
Wuxuu sheegay in Mareykanka iyo Iran ay ka mid yihiin saxiixayaasha Axdiga Caalamiga ah ee Badbaadada Nolosha ee IMO, isla-markaana ay jebinayaan sharciga.
"Maraakiibta iyo badmaaxiinta waa in aan loo isticmaalin in looga faa’iideysto isku dhacyada juqraafiyeed.” Ayuu yiri Arsenio Dominguez oo la hadlayay Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, isagoo weydiistay in tallaabo la qaado.
Arsenio Dominguez ayaa waxa uu sheegay in 20,000 oo badmaaxayaal ah aan waxba galabsan ay wajahayaan riyooyinka qarowga, isla-markaana ay xaalad adag ku haysato marinka la qufulay.
Dominguez ayaa xusay in walaaca ugu weyn Hay’adda Qaramada Midoobey ee IMO uu weli yahay badbaado la’aanta iyo badqabka badmaaxiinta ku xayiran marin biyoodka ugu muhiimsan ee Gobolka Bariga Dhexe.
Dominguez ayaa sheegay inaanu jirin wax sharci ah oo dal kastaa awood u siinaya inuu xanibo marinka caalamiga ah amaba uu shirkadaha maraakiibta ku khasbo inay bixiyaan lacago ay ku mari karaan. Dominguez ayaa intaasi ku daray inaanu sharci ahayn shuruud kastaa oo ku saabsan marinka ciriiriga ah.
Dagaalka Iran iyo Mareykanka iyo is mari-waaga diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa cawaaqib ba’an ku yeeshay xorriyadda socdaalka maraakiibta ee Marinka Hormuz.


0 




Mareykanka iyo Iran oo lagu eedeeyay inay halis gelinayaan nolosha 20 kun oo badmaaxiin ah
.