Sheekh Shariif oo Duubabka Dhaqanka ugu Baaqay inay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka

0
Saturday April 25, 2026 - 17:04:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo Duubabka Dhaqanka ugu Baaqay inay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu baaqay duubabka dhaqanka Soomaaliyeed inaysan ka bixin magaalada Muqdisho ilaa ay xal waara ka keenaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in joogitaanka duubabka dhaqanka uu leeyahay qiimo weyn oo ay u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isaga oo bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin dhismaha dowladnimada iyo xasilinta dalka.

Wuxuu xusay in duubabka lagu yaqaan dhexdhexaadnimo iyo xalinta khilaafaadka, taas oo maanta aad loogu baahan yahay.

"Waxaa la joogaa xilligii loo baahnaa dowlad saxid iyo toosin lagu sameeyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif, isaga oo intaas ku daray inuu si gaar ah wakiil uga yahay mucaaradka dalabkaan uu jeedinayo maanta si loo helo xalka muranka siyaasadeed ee taagan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in duubabka dhaqanka ay la wareegaan doorka hoggaamineed ee xalinta khilaafka, isla markaana ay sii wadaan wixii toosan, wixii qalad ahna ay saxaan.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Sheekh Shariif munaasabadda caana-shubka ugaaska beesha Murusade, taas oo maanta kulmisay xubno ka kala socday mucaaradka, dowladda iyo odayaal dhaqameedyo ka yimid gobollada dalka.

Madashan ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ah mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xamsa Cabdi Barre, kuwaas oo muujinaya muhiimadda ay leedahay doorka hoggaanka dhaqanka ee xilligan xasaasiga ah.

Sheekh Shariif oo Duubabka Dhaqanka ugu Baaqay inay xal ka gaaraan Khilaafka Siyaasadeed ee Dalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip