
Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka
.
Ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tababar u bilaabay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale, guddiga ayaa tababarro la mid ah ka wada Degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo lagu diyaarinayo shaqaale doorasho oo ka qeyb qaata hirgelinta habsami u socodka doorashooyinka.
Tababarradan ayaa waxaa howl-wadeennada ka shaqeynayo doorashooyinka lagu barayaa:-
Sida loo diiwaangeliyo codbixiyeyaasha,Maareynta goobaha codbixinta,Habka tirinta cododka iyo
Ilaalinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada
Dhanka kale, Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa hore u shaaciyay in dhawaan ay doorashooyin isku sidkan ka bilaaban doonaan deegaanada dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.








0 




Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka
.